Waxaad isweydiisay sida loo qoro erayo jaceyl ah gaar ahaan erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh qeybtii 1-aad, hadaba baro maanta.
Marka aad rabto inaad soo jiidato qalbiga lamaanahaaga waxaad u baahantahay erayo jaceyl ah oo soo soo jiidasho leh.
Hadaba sida qalbiga lamaanahaaga loo soo jiito ma ahan sida cilmiga gantaalaha, Waa wax fudud oo aad baran karto misana aad practice gareyn karto. Thanks Cishqi.
Erayadaan soo socdo waa erayo xul ah gaar ahaan kuwo jaceyl ah oo soo jiidasho leh qeybtiisa 1-aad:
Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh gaar ahaan kuwo romantic ah

Subaxii uma baahni inaan saacadeyda ku xirto ala aarmi si aan u soo kaco, maxaa yeelay waxaad ku nooshahay wadnaheyga.
Fariintani waxay ku socotaa qoftii aan jeclaaday, jaceyl aan xad lahayn. Qoftii qalbigeyga guri ka sameysatay, jaceylkeedana ka dhigtay mid laabteyda suran.
Haddii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo, nafteyda adiga ayeey ku tabeysaa oo ay ku qanacsantahay, iyada oo aanan ka fikireynin culelysyada imaan karaa mustaqablka.
Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo, taas waxaan u leeyahay oo sabab ah, qalbigayga. Waxaa igu adag joojinta daqiiqadihii aan wada qaadanay, waxaase taa iiga sii adag inaan ku waayo adiga.
Xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay.
Dhoolacadeyntaadu waxay ii tahay wehel, wehel oo kaliya iima tihid ee waxaa sidoo kale tahay dareenkeyga.
Ma tihid dhiigeyga balse waan kuu damqadaa. Ma tihid wadnaheyga laakin waxaan diyaar u ahay inaan xanuun walbaa kula dareemo.
Jawigu waa mid aad qurux badan, jaceylkuna waa dareen aad u macaan laakin waa goortee? Iska fahan waa goorta aan aniga iyo adi jaceylka wadajir u daadihino.
Erayo jaceyl ah oo raali galin ah

Kama daali doono inaan ku dhaho iga raali noqo qaali, maxaa yeelay waxaad ku weyn tahay qalbigeyga.
Waan ogahay inaan wax u dhimay kalsoonidaada, dareenkaaga laakin waxaan weli ogahay in aan Adiga si dhab ah kuu jecelahay waana sababta igu kalifeyso inaan kuu soo diro eraydaan.
Xaq ayaad u leedahay balse ha iloobin inaad tahay dareemaheyga iyo mustaqbalkeyga.
Sida ay wax u dhaceen hadaan isweydiiyo, aniguba ma aqaano waxaan ku jawaabo.
Wax walbaa oo aan sameeyay eedeeda waxaa iska leh nafteyda, waana ka cudur daaranayaa xanuunka aan u geystay naftaada.
Waxay igu tahay murugo joogto, walaac iyo walbahaar laakin mid ha iloobin, inaan diyaar u ahay raali galintaada Iyo wax walbaa oo aan ku heli karo farxadaada iyo kalsoonidaada.
Jaceylka dhabta ah ee aan adiga kuu qabo kuma ekaan doono halkaan ee wuxuu noqon doonaa mid sii jiri doonno.
Inta ay nafi igu jirto uma hibeyn doono nafteyda ruux aan Adiga ahayn. I aamin, waxaan kuu balan qaadayaa sameynta wax walbaa oo qalbigaaga farxadgelin karo.
Erayo jaceyl ah oo aad xaaskaaga ku soo jiidan karto

Kaliya ma tihid xaaskeyga ee waxaa tahay rajada, iftiinka ifiya maalmaheyga, waxaa tahay nolosheyda, waxaana ii tahay wax walbaaa, waan ku jeclahay xaaskeyga qaaliga ah.
Aduunkaan waxaa ku tahay qof uun, laakin aniga waxaa ii tahay aduun dhan, waan ku jeclahay aduunkeyga.
Si kastaa oo ay u adagtahay maalintaydu, waxaa sixi karo dhoola cadeyntaada quruxda badan. Waan ku jeclahay xaaskeyga dheymanta ah.
Aad ayaan ugu faraxsanahay inaad nolosheyda ku jirtid, kun sanadoodna waxaan rabaa inaan kuu shego, inaan ku jecelahay.
Haddaan telefoon ahaan lahaa, waxaad ii noqon lahayd Jaajar, waan dhimanan lahaa adiga la,aantaa. Waan ku jeclahay.
Waxaad istaahishaa aniga oo dhan, waxaad kasbatay subaxdeyda, habeenkeyga, duhurkeyga. Waxaad u qalantaa waqtigeyga maanta iyo kan mustaqbalkeyga maxaa yeelay waxaa tahay tan ugu fiican. Waan ku jeclahay.
Adigu ma tihid oo kaliya hooyada caruurtayda, laakin sidoo kale waxaa tahay garaacaa wadnahayga. Adigu ma tihid kaliya boqoradda qoyskaan, laakin sidoo kale waxaad tahay haweeneydii riyadeyda. Waan ku jeclahay.
Qish: Xaaskaaga uma baahno kaliya erayo macaan ee sidoo kale waxa ay u baahan tahay in la dareensiiyo. Hadaba halkaan ka baro sida aad ku dareensiin karto xaaskaaga jaceyl dhab ah.
Erayo jaceyl ah oo xikmad leh

Noloshu waxay ku bareysaa inaad u baahan tahay inaad go,aan qaadato waqtiga ku haboon. Ma ahan goor hore, mana ahan goor dambe.
Runtii waxaan ahay qof duceysan, maxaa yeelay adiga ayaan ku heystaa.
Maanta la joogo, waxaan ku dhaartay gebi ahaanba inaad adiga ilahaato.
Waan ku doortay. Waana ku dooran doonaa weligeey. Bilaa hakad, bilaa shaki. Waan sii wadi doonaa inaan adiga ku doorto.
Haddii aad noolaaneyso boqol sano, waxaan doonayaa inaan noolaado boqol sano oo hal maalin ka yar. Sida darteed uma baahni inaan noolaado adiga la,aantaa.
Xusuusnow qalbi in xiriirkeenu uusan ahayn game la ciyaaro, erayo la iska yiraahdo, mid bilaawdo maarso misana dhamaado may, ogow waa beri.
Erayo Jacay ah gaar ahaan kuwo calaacal ah

Haddii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo nafteyda adiga ayey ku tebeysaa oo ay ku qanacsan tahay, iyadoo aanan ka fekereyn culeysyada imaan kara mustaqbalka, nafteyda ayaa kuu dhego nugul, dhegaheyga waxa ay maqlaan erayadaada oo keliya, indhaheygana aragtidaada ayaa daawo u ah.
Waa igu adag tahay in aan saacado ku waayo waxaana taas sabab u ah qalbigayga oo aan u dulqaadan karin in uu iska kaa masaxo inta aan ku sugaayo, waa ay igu adag tahay in aan joojiyo tirinta daqiiqadaha, waxaase iiga sii adag inaan ku waayo sababtoo ah xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay, shalaaydu waa qeyb ka mid ah guuldarada laakin tartarka soo jiidashadaada waa u qalantaa qofku in uu wajaho guuldarooyin badan.
Waan kuu riyaaqaa, waxaana tahay sababta aan u noolahay haddii aniga xageyga ay sidaas tahay ogoow meel ka mid ah dunida waxaa ku nool qof riyoodiisu tahay dhoola cadeyntaada, waan ku jeclahay in ka badan inta aan wadajirno, waxaana heystaa wax walbo oo aan u baahanahay wada joogeena, waxaa tahay rajadeyda iyo dhamaan riyadeyda. Wax dhib malahan wax kasta oo nagu dhaco mustaqbalka wadajirkeena ayaa wax walba ka weyn, marwalbana dhinacaaga ayaan taagnaan doontaa.
Jaceylku waa dulqaad iyo naxariis waxaan jecelnahay inaan runta soo bandhigno iyadoo aan qofna la niyad jebin doonin, mararka qaar waxaad tahay qofka dadka iigu dhow ee aan qalbiyada is dhaafsano wax walba.
Boqolaal qalbiyo aad ayey uga yar yihiin in ay qaadaan dhamaan jaceylka aan kuu qabo, maba ogeyn ebedkey macnaha jaceyl ilaa adiga aad iga soo hor baxday.
Waxaa tahay nolosheyda, noloshuna dhadhan malahan adiga la,aantaa, anigana farxad lama deriso adiga la,aantaa.
Waxaad tahay iftiinkeyga, waxaad tahay muraayadii qalbigeyga, waxaa tahay mustaqbalkeyga, maanta, beri iyo weligeedba.
Ha iloobin in aad tahay ruux ay nafteydu u riyaaqdo oo dadka kale iiga duwan. Xusuusnow jaceylku waa dareen la isla sido oo qofba qofka kale dhankiisa ka daadihiyo.
Farxadeyda ugu weyn waa dhoolacadeyntaada iyo in aad mar walbaa wehelkeyga tahay.
Dhamaad
Qoraa: Mustafe MMJ
Su,aal: Akhriste sidee u aragtaa eraydaan, maxaase Cishqi Team ka codsan lahayd?
Fadlan hoos noogu reeb comment.
Mahadsanid.
Halkaan hoose waxaan ku diyaarinay qormooyin kale oo xiiso leh kuwaasoo ay akhristayaasheenu ay u riyaaqeen.