Haddii aan nahay dhalinyaro waxaan jecelnahay in aynu adeegsano erayo jaceyl dareen leh gaar ahaan kuwo macaan ah. Marka aad qof si dhab ah u jeclaato kaliya kama fikireysaa labiskaaga oo kaliya ee sidoo kale waxaad ka fikireysaa eray walbaa oo aad dhihi lahayd.
Waxaad isku dayeysaa in aad adeegsato erayo dareen leh oo weliba macaan ah. Hadaba CISHQI Team waxa uu kuu diyaariyay erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh gaar ahaan kuwo dareen leh misana xul ah.
Erayo jaceyl dareen leh

Haddii raali gelintu ahaan lahayd laab gelintaada, waxaan kuu caroon lahaa sabab la’aan si aad laabta ii geliso.
Cimrigu waa ubax, noloshu waa waqti, jaceylkuna waa raxmad, ubaxuna waa udgoon, haddaan u qalmo amraneey xusuustaada igali.
Xusuusnow: aduunka waa mid ku meel gaar ah, laakin jaceylka aan adiga kuu qabo waa mid aan dhammaan lahayn oo weligiis jiri doono. Waan ku jeclahay si xad dhaaf ah.
Aduunka waxaad ku tahay hal qof, laakin qof baad aduun u tahay. Qofkaasna waa aniga.
Jaceylku waa sida dagaal ku bilaawdo si fudud, wuxuuna ku dhammaadaa si adag, macquulna ma ahan in la illoobo. Isku xasuuso haddii aan ahay qof adiga kugu weyn.
Kumanaan qof ayaa laga yaabaa inay kuu soo diraan fariimo jaceyl, laakin fariinteydu waa mid ku waas ka duwan, maxaa yeelay waxay sidataa dareen farxad leh.
Tan iyo markii aan kula kulmay, waan yara ilmeeyaa, waan yara dhoola caddeeyaa sababtoo ah adiga ayaan ku heystaa, nolosheyda waxay joogtaa halka ugu wanaagsan.
Qalbiga ku tebay haddii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa, dukaanka wadnahana wuu ii noqdaa mid booqsiis ah. Ma hubo dareen nuucan ah inuu hore iisoo maray, laakin waxaan hubaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen, isla markaana aan kuu riyaaqo indhuhuna ay adiga kugu doogsadaan.
Waxba uma arko sugitaanka waqtiga aad iga maqantahay, kaliya waxaa muhiim ii ah inaan adiga oo saan u qalbi wanaagsaan u naxariis badan ku haysto qalbi
Waxaan kuu noqonayaa dhagahaaga oo aad ku maqli doonto raaligelinta teeda ugu sareysa, Ereyada jaceylka kuwooda ugu saamaynta badan iyo Alle ka cabsiga inaan isku dhiiri-gelino si Uu Alle garabkeena u ahaado oo aan if iyo aakhiraba u liibaano, si wada jir ahna u wada qaadano nolosha teeda waaraysa ee Aakhiro taala.
Erayo Naxariis badan oo macaan ah

Adiga aniga ayaad wehel ii tahay mana rabo qof aan adiga ahayn inaan nolosha la wadaago qalbi
Rajada kaliya ee aan adiga kaa leeyahay ayaa ah inaan noqono family dhammaystiran oo isku faraxsan qalbi
Waqti xaadirkaan la joogo ma jiro wax iga maqna sababtoo ah adiga ayaan ku jeclahay qalbi
Haka cabsan marnaba inaan qof kale kaa raaco, waayo naftayda raali kama ahan inay la noolaato ruux aan adiga ahayn
Marnaba ma aanan ogeyn sida ay noloshu farxad u noqon karto illaa aan arko suuraddaada farxadda leh. Qalbigeeygu wuxuu u boodaa sida shimbir badeedka duula oo kale markaad adiga ku arko.
Tani waa wax aanan waligey horay u dareemin, ma qiyaasi karo waxa aan hadda dareemayo. Adigu waxaad tahay qof cajiib ah!
Xiriirkani waa mid gaar ah, oo cajiib ah, waxaana ku dhiirranayaa inaan iraahdo, qaddar.
Waxwalba waanka maarmi karaa laakin adiga kaama maarni karo qalbi”
ma arag ruux kula dhigma mana rabo badalkaaga Qalb
waligay ma joojin doono inaan ku jeclaado xitaa haddii aad go’ansato inaad iga fogaato
Mararka qaar waxaa igaraacmo wadnaha, u xiiseynta iyo xiisaha aan dareemayo markaan adiga kaa fikiro.
Waxaan rajeynayaa taariikhdeena soo socota, inay noqoto mid qurux badan. Mid kastaa ha ka fiicnaato tii ugu dambeysay haddii ay taasi xitaa macquul tahay.
Erayo Jaceyl Macaan ah gaar ahaan kuwo dareen leh

Qalbigaagu waa meesha kaliya ee aan ku nasto, mar kasta oo aan adiga kaa fikiro farxad ayaan dareemaa.
Waxaan kuu noqonayaa indhahaaga oo aad ku arkaysid raaxada lamaanenimo ee adduunka kor taala iyo quruxda nololeed ee ay wada qaataan dadka jacayl wadaagga ahi.
Jacaylka aan kuu qabo ma aha mid ereyo ku ekaada, waa mid qalbiga iiga qoran.
Haddii farxad la cabbiri lahaa, adiga ayaa noqon lahayd qiyaasteeda ugu weyn.
Indhahaagu waa iftiin, qalbigeyguna wuxuu doortay adiga si aan waligiis u dayicin.
Wax walba way is beddeli karaan, laakin jacaylka aan adiga kuu qabo waligiis ma is beddelo.
Markaan adiga kula joogo, dunidu waxay ii noqotaa meel ka qurux badan sidii hore.
Qof walba wuu imaadaa wuu tagaa, adigase qalbigeyga ayaad joogtaa.
Jacaylku waa macaan marka uu daacad yahay, adiguna daacad ayaad ii noqotay.
Haddii aan hal duco oo kaliya heli lahaa, adiga ayaan mar kale dooran lahaa.
Erayo Jaceyl Dhab Ah misana dareen leh

Jacaylka dhabta ah ma aha hadal badan, waa ficil joogto ah oo qalbi ka yimaada.
Weheshigaagu wuxuu ii yahay lajooga loogu kalsoonida badan yahay dhankayga, kaas oo ah in aanan dareemayn caajis iyo kelinimo midna loogana kaaftoomaayo boqolaal qof oo midba mar I maaweeliyo.
Adiga kuma jecla maanta oo keliya, balse berri iyo inta noloshu jirto.
Qalbigeeyga ma doorto qof kasta, adiga ayuu si dhab ah kuu doortay.
Jacaylka aan kuu qabo ma aha mid waqti ku xiran, waa mid qalbiga iiga qoran.
Haddii jacayl dhab ah jiro, adigaa tusaale u ah.
Aniga iyo adiga ma nihin labo qof oo kaliya, ee waxaa nahay hal qalbi oo laba jidh ku jira.
Jacaylka dhab ah waa marka uu qofku kuu istaago xilliyada adag, adiguna mar walba waad iga garab joogtaa.
Wuxuu Alle ku abuuray adigoo keligaa ah, taasina kama dhigna inaad nolosho kelinimo tahay; Waxaan noqon doonaa qeybtii kaa maqnayd ee aad weligaa tebaysay, waxaan noqon doonaa shakhsiga u sababta ah dhoolla-cadeyntaada, waxaan farxad iyo rayn-rayn badan ku buuxin doonaa bugcadda ugu qaalisan jidhka aadamaha ee ah qalbigaaga, waxaan noqon doonaa shakhsiga ugu dambeeya ee aad habeen wanaagsan tidhaahdo iyo shakhsiga ugu horeeya ee aad subax wanaagsan ku tidhaahdo sannad walba, bil walba, asbuuc walba, habeen walba iyo waqti walba oo noloshaada ka dhiman.
Kuguma jecli sababo la xiriira quruxdaada oo kaliya, balse qalbigeyga ayaa ku doortay.
Jacaylka aan kuu qabo ma qariyo, ma beeniyo, waana ku faanaa.
Haddii aan mar kale dhasho, adiga ayaan mar kale dooran lahaa.
Dhamaad
Qoraa: Mustafe MMJ
Comment hoos noogu reeb oo qor mid kamid ah erayada qalbigaaga aadka u taabtay?





1 Comments on this post
Yuusuf Xasan
January 31, 2026
Runtii waxa bulshada ugu jirtaan kaalin qiimo leh ,oo xaga nolosha jaceylka iyo romantic ka aad ayaan idinku bogaadinayaa, waanan ladhacay erayada hadalada xikmada iyo macanka leh ee u wanaagsan lamaanayaasha iyo dadka is jecel xagaa kasii,wada sawirda romatic ah soo badaya.