Erayo Jaceyl Macaan Ah + 30

Home Somali Erayo Jaceyl Macaan Ah + 30
erayo jaceyl macaan

Jacaylku waa luqada qalbigu uu ku hadlo, mararka qaarkoodna erey yar ayaa ka miisaan culus hadalo badan. Haddii aad raadinayso erayo jaceyl macaan ah gaar kuwo dareen leh oo si toos ah u taabanaya qalbiga, hadaba waxaa jooogaa hoyga mucaashaqiinta – CISHQI.

Erayadani ma ahan erayo macaan oo kaliya ah ee waa erayo gaaban oo kaa dhigayo qof soo jiidasho leh, sababtoo ah biniaadamku waxaa uu aad uga helaa erayada gaabaan qasatan kuwo xikmada leh.

Hadaba halkani waxaad ka heli doontaa erayo jaceyl oo dareen leh si gaar ah loo diyaariyey. Qoraalladan hoose ayaa ka kooban +30 erayo jaceyl oo dhab ah, kuwaas oo ka tarjumaya jacayl, kalgacal, daacadnimo iyo dareen qoto dheer leh.

erayo jaceyl macaan
  1. Qalbigaagu waa hoyga kaliya ee aan ka helo deganaan dhab ah.
  2. Jacaylka aan kuu qabo waa mid qalbiga iga qoran, mana baaba’o.
  3. Markaan adiga kaa fikiro, qalbigeygu wuu degaa.
  4. Adiga ayaa sabab u ah in qalbigeygu mar walba dhoola caddeeyo.
  5. Qof walba wuu yimaadaa wuuna tagaa, adiga se qalbigeyga ayaad joogtaa.
  6. Jacaylka dhabta ah waa adiga, inta kale waa sheeko.
  7. Waxaad i bartay sida loo jeclaado qof weliba si daacad ah.
  8. Aragaagu waa iftiinka qalbigayga.
  9. Jacayl aan dareen lahayn ma jiro, adiguna waxaa tahay dareemaheyga.
  10. Qalbigaaga ayaan kugu nasto marka ay dunidu igu adkaato.
  11. Jacaylka aan kuu qabo ma aha mid aan qarin karo, maxaayeelay waa mid aad adigu kasbatay.
  12. Adiga ayaa qalbigeyga ka dhigtay mid nool.
  13. Qof aan adiga ahayn qalbigeyga ma fahmi karo.
  14. Jacaylku waa macaan marka qalbiga laga dareemo, adiguna waad i dareensiisay.
  15. Markaan ku jeclaaday, qalbigeyga ayaan helay.
  16. Qalbigaagu waa qurux aan indhuhu qiyaasi karin.
  17. Jacaylku waa dareen la isla sido, in aan adiga ku jeclaadana waa mid aad adiga u horseeday
  18. Qofka adiga ku jeclaado marnaba malaga yaabo in uu kaa dheerado sababto waxaa tahay qof qalbi wanaagsan oo daacad ah.
  19. Waan ku jeclahay si ka duwan noolaha kale.
  20. Qalbigaagu waa hadiyadda ugu qaalisan ee aan helay.
  21. Jacaylka aan kuu qabo waa mid aan sharaxaad u baahnayn.
  22. Mudo badan waxaan raadinayay qofkii qalbigeyga aan u hibeyn lahaaa, ugu dambeys qalbigaaga ayaan ka helay waxa aan raadinayay.
  23. Adiga ayaad qalbigeyga ka dhigtay mid jacaylka fahma.
  24. Jacaylku waa dareen, adiguna waad i dareensiisay.
  25. Waxaa tahay iftiinkii nolosheyda, waxaa tahay muraayadii qalbigeyga, waxaa tahay xaaskeyga mustaqbalka
  26. Waxaa tahay qofka kaliya ee uu qalbigeyga doonayo.
  27. Markaan ku jeclaaday, durbaba waxaan bilaabay in aan si tartiib tartiib ah qalbigeyga adiga kuu hibeeyo.
  28. Qalbigaaga ayaan ku arkay mustaqbalkeyga iyo waxyaabihii aan mudo badan ku riyoon jiray.
  29. Jacaylka adiga kuu qabo waa mid aan dhammaan.
  30. Qalbigeyga ayaa ku doortay, waligayna kama shalleyn doono.

1 Comments on this post

  • Eryo kale oo macaan ah please.

    Reply

Leave a comment

Get 30% off your first purchase

X