Erayo Jaceyl oo Gaaban qaasatan kuwo qalbig taabanayo

Home Isha Arimaha Jaceylka Erayo Jaceyl oo Gaaban qaasatan kuwo qalbig taabanayo
erayo jaceyl oo gaaban, erayo jaceyl qabi, taabanayo

Mararka qaar jacaylku uma baahna hadal dheer. Hal jumlad oo qalbiga ka timid ayaa qofka aad jeceshahay ka farxin karta. Haddii aad raadinayso erayo jaceyl oo gaaban, fariimo macaan ama weedho aad ugu dirto qofka qalbigaaga ku weyn, halkan waxaad ka heli kartaa erayo kala duwan oo aad isticmaali karto.

❤️ Erayo Jaceyl oo Gaaban oo Macaan

01
Adiga ayaa farxaddayda sabab u ah.
La wadaag
02
Muuqaalkaaga oo kaliya ayaa dejiya duufaanta dareenkayga, maqalka codkaagana waa dawo bogsiisa nabar kasta oo igu yaal.
La wadaag
03
Dhoolla-caddeyntaadu waa farxaddayda.
La wadaag
04
Jacaylka aan kuu qabo ma aha mid ku kooban maanta iyo beri toona, waa dareen daacad ah oo ila jiri doona inta ay neeftu igu jirto.
La wadaag
05
Nolosheyda waxaad ka dhigtay mid qurux badan.
La wadaag
06
Markaan ku arko, qalbigaygu wuu farxaa.
La wadaag
♥
Noqo qofka ugu horreeya ee ku biira CISHQI
Ma raadineysaa qof qalbigaaga ku habboon? ❤️ Kamid noqo dadka ugu horreeya ee ku biira CISHQI.
Ku biir CISHQI →
07
Adiga la’aantaa wax badan baa iga maqan.
La wadaag
08
Codkaaga ayaan jeclahay inaan maqlo had iyo jeer.
La wadaag
09
Qalbigayga meel gaar ah ayaad kaga jirtaa.
La wadaag
10
Adiga ayaan mar walba kuu xiisaa.
La wadaag
11
Indhahaaga waxaan ka arkaa farxaddeyda.
La wadaag
12
Adduunyada qof walba wuxuu raadiyaa farxad, laakiin aniga farxaddayda oo dhan waxay ku koobantahay dhoola-caddayntaada.
La wadaag
13
Maalin walba adiga ayaan kaa fikiraa.
La wadaag
14
Adiga ayaa riyadayda ugu quruxda badan.
La wadaag
15
Markaad ila joogto, wax walba way qurux badan yihiin.
La wadaag
16
Qalbigaygu magacaaga ayuu xambaarsan yahay.
La wadaag
17
Farxaddaada ayaa farxaddayda ah.
La wadaag
18
Adiga ayaan dunida kaa doortay.
La wadaag
19
Jaceylkeyga adiga ayuu kuu gaar yahay.
La wadaag
20
Adiga ayaa qalbigayga dejiya.
La wadaag

    💕 Erayo Qalbiga Taabanaya

    01
    Qalbigaygu wuu degaa marka aad ila joogto.
    La wadaag
    02
    Adiga ayaan ku xasuustaa markaan dhoolla-caddeeyo.
    La wadaag
    03
    Joogitaankaaga ayaa ii ah hadiyadda ugu qurux badan.
    La wadaag
    04
    Waxaan jeclahay sida aad ii fahanto.
    La wadaag
    05
    Adiga ayaa noloshayda macno u yeelay.
    La wadaag
    06
    Ma jiro maalin aanan kaa fikirin.
    La wadaag
    ♥
    Noqo qofka ugu horreeya ee ku biira CISHQI
    Ma raadineysaa qof qalbigaaga ku habboon? ❤️ Kamid noqo dadka ugu horreeya ee ku biira CISHQI.
    Ku biir CISHQI →
    07
    Qof walba wuxuu leeyahay riyo, tayduna waa adiga.
    La wadaag
    08
    Markaad iga maqnaato, qalbigaygu wuu kuu xiisaa.
    La wadaag
    09
    Jaceylkaaga waa hoyga qalbigayga.
    La wadaag
    10
    Adiga ayaan ku dareemaa deganaan.
    La wadaag
    11
    Indhahaaga ayaan ku illaawaa dunida inteeda kale.
    La wadaag
    12
    Ma doonayo wax badan, adiga ayaa igu filan.
    La wadaag
    13
    Qalbigayga waxaad ku leedahay meel aan cid kale lahayn.
    La wadaag
    14
    Maalin kasta waxaan helaa sabab cusub oo aan kugu jeclaado.
    La wadaag
    15
    Adiga ayaa fikirkeyga ugu horreeya subax kasta.
    La wadaag
    16
    Habeen kasta adiga ayaa maskaxdayda ugu dambeeya.
    La wadaag
    17
    Markaad faraxsan tahay, aniguna waan farxaa.
    La wadaag
    18
    Adiga ayaan ku jecelahay maanta iyo berri.
    La wadaag
    19
    Ma jirto cid kaa wanaagsan oo aan nolosheyda lahaa.
    La wadaag
    20
    Dhoolla-caddeyntaada ayaan jeclahay.
    La wadaag
    21
    Haddii ay noloshu tahay xukun, adigu waxaad tahay xorriyaddayda. Haddii ay tahay habeen mugdi ahna, waxaad tahay dayaxayga iftiimaya.
    La wadaag

    🥰 Erayo Jaceyl oo Soo Jiidasho Leh

    01
    Dhoolla-caddeyntaada ayaa qalbigayga xadda.
    La wadaag
    02
    Markaad i eegto, hadalku wuu iga luma.
    La wadaag
    03
    Waxaad leedahay dhoolla-caddeyn aan la iska illoobi karin.
    La wadaag
    04
    Hal fariin oo kaa timaadda ayaa maalintayda beddesha.
    La wadaag
    05
    Waxaa laga yaabaa inaadan ogeyn sida aad ii farxad geliso.
    La wadaag
    06
    Markaan magacaaga arko, waan dhoolla-caddeeyaa.
    La wadaag
    ♥
    Noqo qofka ugu horreeya ee ku biira CISHQI
    Ma raadineysaa qof qalbigaaga ku habboon? ❤️ Kamid noqo dadka ugu horreeya ee ku biira CISHQI.
    Ku biir CISHQI →
    07
    Waxaan jeclahay waqtiga aan kula qaato adiga.
    La wadaag
    08
    Waxaad tahay qof aan jeclaan lahaa inaan wax badan ka barto.
    La wadaag
    09
    Sheekadaada kama daalo.
    La wadaag
    10
    Ma ogtahay in dhoolla-caddeyntaadu ay aad kuu qurxiso? So waxaan jeclaan lahaa in aad maalin walbaa ii dhoola-cadeyso si aan quruxdaasi u daawado.
    La wadaag
    11
    Markaan kula hadlayo waqtigu si dhaqso ah ayuu ku socdaa.
    La wadaag
    12
    Adiga ayaa hadal yar igu farxad gelin kara.
    La wadaag
    13
    Waxaa kugu jira wax qalbigayga soo jiita.
    La wadaag
    14
    Maalin aan kula hadlo waxay ka qurux badan tahay maalmo oo dhan.
    La wadaag
    15
    Mararka qaar waxaan is arkaa anigoo adiga kaa fikiraya.
    La wadaag
    16
    Hadalkaaga wuxuu leeyahay deganaan gaar ah.
    La wadaag
    17
    Wadnaha oo kaliya ma aha meesha aad ku nooshahay, ee adigu waxaad tahay garaaca naftayda sii haya si aan u sii noolaado.
    La wadaag
    18
    Jacaylka aan kuu qabo ma aha mid ereyo lagu sharixi karo; waa dareen ka dhex guuxaya halbowlayaasha dhiigga raaca ee naftayda.
    La wadaag
    19
    Gacmahaaga oo aan qabto waxay iila mid tahay adduunka oo dhan oo aan yeeshay, garabkaaga oo aan ku tiirsadaana waa nabadgelyada aan dunida ka raadinayay.
    La wadaag
    20
    Qof kasta wuxuu leeyahay qof u gaar ah oo nolosha dhammaystira, anigana nasiibkaygu wuxuu ku jiraa inaan adiga ku helay.
    La wadaag

    💌 Fariimo Jaceyl oo Gaaban

    01
    Waan kuu xiisay, intaas kaliya ayaan rabay inaan kuu sheego.
    La wadaag
    02
    Maanta adiga ayaa maskaxdayda ku badan.
    La wadaag
    03
    Waxaan rajeynayaa in maalintaadu qurux badan tahay.
    La wadaag
    04
    Waxaan jeclaan lahaa inaan hadda ku arko.
    La wadaag
    05
    Hal dhoolla-caddeyn ii soo dir.
    La wadaag
    06
    Maanta sabab la’aan ayaan kuu xasuustay.
    La wadaag
    ♥
    Noqo qofka ugu horreeya ee ku biira CISHQI
    Ma raadineysaa qof qalbigaaga ku habboon? ❤️ Kamid noqo dadka ugu horreeya ee ku biira CISHQI.
    Ku biir CISHQI →
    07
    Qalbigaygu maanta adiga ayuu kuu xiisay.
    La wadaag
    08
    Waxaan jeclahay inaan codkaaga maqlo.
    La wadaag
    09
    Waxaan rajeynayaa inaad maanta faraxsan tahay.
    La wadaag
    10
    Subax wanaagsan, qofka qalbigayga ku weyn.
    La wadaag
    11
    Habeen wanaagsan, riyadayda quruxda badan.
    La wadaag
    12
    Ilaali dhoolla-caddeyntaada, aad ayay kuu qurxisaa.
    La wadaag
    13
    Waxaan kuu rajeynayaa maalin farxad leh.
    La wadaag
    14
    Xasuustaada ayaa maanta iga dhoolla-caddeysiisay.
    La wadaag
    15
    Waxaan rabay oo keliya inaan ku iraahdo: waan kuu xiisay.
    La wadaag
    16
    Qof baa maanta kaa fikiraya — waa aniga.
    La wadaag
    17
    Fariintaada ayaan sugayay.
    La wadaag
    18
    Farxadd ayaan maanta kuu rajeynayaa.
    La wadaag
    19
    Meel kasta oo aad joogto, qalbigayga waad ku jirtaa.
    La wadaag
    20
    Adiga ayaa ii gaar ah.
    La wadaag

    🌹 Erayo Jaceyl oo Qiiro Leh

    01
    Haddii qalbigaygu hadli lahaa, magacaaga ayuu oran lahaa.
    La wadaag
    02
    Jaceylka aan kuu qabo erayo laguma soo koobi karo.
    La wadaag
    03
    Adiga ayaan mustaqbalkeyga ah.
    La wadaag
    04
    Qalbigaygu adiga ayuu kuu furmay.
    La wadaag
    05
    Jaceylkaaga ayaan ku bartay farxad cusub.
    La wadaag
    06
    Noloshu way ka qurux badan tahay tan iyo markii aan ku bartay.
    La wadaag
    ♥
    Noqo qofka ugu horreeya ee ku biira CISHQI
    Ma raadineysaa qof qalbigaaga ku habboon? ❤️ Kamid noqo dadka ugu horreeya ee ku biira CISHQI.
    Ku biir CISHQI →
    07
    Waxaan jeclaan lahaa inaan farxaddaada qayb ka noqdo.
    La wadaag
    08
    Adiga ayaan ku doortaa mar kasta.
    La wadaag
    09
    Qof kale ma buuxin karo booska aad qalbigayga kaga jirto.
    La wadaag
    10
    Waqti kasta oo aan kula qaato wuxuu ii noqdaa xasuus qaali ah.
    La wadaag
    11
    Jaceylka dhabta ahi waa marka qalbigu qofkiisa helo.
    La wadaag
    12
    Aniga qalbigaygu qofkiisa wuu helay — waa adiga.
    La wadaag
    13
    Waxaad tahay qayb ka mid ah riyooyinkayga.
    La wadaag
    14
    Haddii aan mar kale dooran lahaa, adiga ayaan dooran lahaa.
    La wadaag
    15
    Qalbigayga waxaad bartay macnaha jacaylka.
    La wadaag
    16
    Waxaan rabaa inaan kula abuuro xasuuso qurux badan.
    La wadaag
    17
    Markaan mustaqbalka ka fikiro, adiga ayaan dhexdiisa ku arkaa.
    La wadaag
    18
    Adiga ayaan rabaa in aan la qaato maalmaha wanaagsan iyo kuwa adag.
    La wadaag
    19
    Jaceylkeyga ma aha hadal oo keliya, waa dareen qalbigayga ku nool.
    La wadaag
    20
    Mugdi kasta oo nolosha iiga yimaada, adiga ayaa ah iftiinka kaliya ee ii tilmaama waddada saxda ah ee farxadda.
    La wadaag

    Halkaan ka akhriso erayo kale: Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh oo weliba muuqaal ah

    ✨ Erayo Jaceyl oo Aad u Gaaban 100 +

    01
    Quruxdaadu ma aha mid indhaha kaliya u roon, ee waa nuur si toos ah u iftiimiya qalbkayga. Waxaad tahay qof dumarnimada iyo asluubta loogu deeqay.”
    La wadaag
    02
    “Dhoola-caddayntaada quruxda badan waxay awood u leedahay inay beddesho maalintayda u gu ka dhigto midda ugu farxadda badan. Waxaad tahay boqorad loo uumay naxariis.
    La wadaag
    03
    Erayadaadu waa sidi hees macaan oo naftu ku degto. Sida aad u fikirto iyo deganaantaada ayaa iga dhigtay mid si waali ah kuu jeoda.
    La wadaag
    04
    Quruxda wejigaaga waxaa kasoo jiidasho badan quruxda rasmiga ah ee ku dhex jirta wadnahaaga iyo qalbigaaga nadiifka ah.
    La wadaag
    05
    Wadnahaaga weyn iyo naxariistaada ayaa kaa dhigaysa qofka ugu qaalisan ee aan abid la kulmo. Waxaad tahay geesi nolosheyda macno u yeelay.
    La wadaag
    06
    Ragganimadaada, shakhsiyaddaada adag, iyo sida aad iigu weyn tahay ma aha wax ereyo lagu soo koobi karo. Waxaad tahay qof lagu faano.
    La wadaag
    ♥
    Noqo qofka ugu horreeya ee ku biira CISHQI
    Ma raadineysaa qof qalbigaaga ku habboon? ❤️ Kamid noqo dadka ugu horreeya ee ku biira CISHQI.
    Ku biir CISHQI →
    07
    Markaan kula joogo, waxaan dareemaa nabadgelyo iyo kalsooni buuxda. Garabkaaga adag iyo fikirkaaga fog ayaa ii ah hoyga ugu fiican.
    La wadaag
    08
    Habeenkii oo dhan ma seexan karo, sababtoo ah maankayga iyo jirkayga ayaa doonaya inay kugu dhowaadaan. Waxaad tahay rabitaankayga ugu weyn.
    La wadaag
    09
    Awood uma lihi inaan iska caabiyo soo jiidashadaada. Indhahaaga marka aan eego, waxaan dareemaa rabitaan waali ah oo ah inaan kugu dhex dhumo.
    La wadaag
    10
    Kulaylka jacaylkaaga iyo habka aad ii habsiiso waxay iga dhigaan qof aan nolosha meel kale ka raadin. Adiga ayaa ii dhammaystiran.
    La wadaag
    11
    Markaan kuu dhowaado, garaaca wadnahayga wuxuu bilaabaa inuu ordo, neeftaydana adiga ayaa maamula. Jiritaankaaga oo kaliya ayaa dareenkayga oo dhan kiciya.
    La wadaag
    12
    Ma ahan kaliya inaan ku jeclahay, laakiin waxaan u baahanahay diiranaanta jirkaaga, caraftaada udgoon, iyo habka aad ii eegto marka aan wada joogno.
    La wadaag
    13
    Farahaaga markay taabtaan jirkayga, waxaan dareemaa jiririco iyo gilgilasho ka bilaabanta naftayda ilaa wadnahayga. Waxaad tahay raaxadeyda.
    La wadaag

    Gunaanad

    Erayo jaceyl oo gaaban mararka qaar waxay gudbiyaan dareen ka weyn hadalo dhaadheer. Waxaad erayadaani u diri kartaa qofka aad jeceshahay WhatsApp, Facebook, Messenger ama fariin gaar ah, ama waxaad uga faa’iideysan kartaa marka aad rabto inaad si fudud oo macaan u muujiso dareenkaaga.

    Waad ku mahadsantahay in aad soo booqatay boogeena cishqi.com. Fadlan share gareey bogeena oo la wadaag asxaabtaada si aad u taageerto boggeena.

    Si aan kuugu soo dirno erayo kale oo cajiib ah: Halkaan iska diiwaan geli: Waxaan rabaa erayo jaceyl oo aad u macan

    Waad ku mahadsantahay taageeradadaada.

    1 Comments on this post

    • Buma

      Reply

    Leave a comment

    Get 30% off your first purchase

    Close Welcome Bar