Erayo jaceyl oo xul ah

Home Uncategorized Erayo jaceyl oo xul ah
erayo jaceyl oo xul ah

Akhriso erayo jaceyl ah oo xul ah – Sida aad nooga barateen waxaan akhristayaasheena sharafta leh u soo diyaarinay erayo jaceyl oo xul ah kuwaasoo ka kooban ilaa 14 erayo.

Jaceylku waa raxmada, waa naxariis, waxa uuna sitaaa dareen aa u macaan, kaaso qofku mar uun dareemi doono. Adeegsiga erayadaan ayaa kaa saacidi doono in aad ku soo jiidato lamaanahaaga.

Erayo jaceyl oo xul ah 1

Jacaylkaygu waa sida hawada oo kale, aan la arki karin laakiin la dareemi karo mar kasta oo aan kaa fikiro ama aan ku arko waxaan dareemaa wax aan la qiyaasi karin. Qiyaaas?

 Erayo jaceyl oo xul ah 2

Markaan daawado aragtidaada soo jiidashada leh, waxaan dareemaa in adduunku uu joojiyo socodkiisa, waayo adiga ayaa ah sababta aan u neefsado.

 Erayo jaceyl oo xul ah 3

Jacaylkaygu waa sida badda oo kale, oo aan dhammaad lahayn, waayo adiga ayaa ah halka uu ku dhammaado dhammaan kalgacaylka aan kuu qabo.

 Erayo jaceyl oo xul ah 4

Adiga ayaa ah sababta aan u jeclahay nolosha, waayo adiga ayaa i siisay farxad iyo rajo cusub maalin kasta.

 Erayo jaceyl oo xul ah 5

Gacaliso qaado dhamaan dareemaheyga jaceyl anigoon ogolaan doonin inaan kaaga fogaado waxan geeri aheyn haddii ay 1,000 qofood ku jeceshahay waan ka mid ahay lkn haduu jiro hal qof ku jecel kaasi waa aniga

 Erayo jaceyl oo xul ah 6

Qaali hadii aad adigu tahay qofka labaad aan jeclahay hadaba waa Kuma qofka koobaad aan aniga jeclahay yuu yahay wali maka fikirtay hadaba maba jiro qof koobaad adiga ayaa Kow ilaa Kun ilaa milyan ah

 Erayo jaceyl oo xul ah 7

Qaali hadii riyadu la dalban karo waxaan alle ka baryi lahaa inaan adiga kugu riyoodo mar walboo indhaha isku qabto si aan adiga waqti qurxoon kuula qaato daqiiqadna aanan kaa fogaanin.

 Erayo jaceyl oo xul ah 8

Waan ku jeclahay adigoo ii dhow wana ku jeclahay adigoo iga fog intaba adigaan ku jeclahay mar walba adigaan kaa fikiraa, waayoo waxaad tahay nolosheyda dhamaanteed mana ku hilmaami doono intaan noolahay.

 Erayo jaceyl oo xul ah 9

Qaali saqda dhexe habeenkii markaan gacanteyda meel eber ah ku taabto ama aan ku qabto waan murugoodaa hadana niyada waan dajiyaa anigoo aaminsan maalin uun inaad booskaas soo buuxin doonto oo aan bogeyga kugu haysan doono kuuna koolkoolin doono sida caruurta aad ii dhali doonto mustaqbalka dhaw.

 Erayo jaceyl oo xul ah 10

Adiga ayaa ah iftiinka nolosheyda, oo iga dhigaya inaan mar walba riyoodo kuna hamiyo inaad noqoto qaybta ugu muhiimsan ee noloshayda.

 Erayo jaceyl oo xul ah 11

Qalbi markad cidla dareento fiiri adiga farahaaga inta banaan ee u dhaxeyso kadibna xusuuso faraheyga waqtigan ku buuxinayay farahaaga inta ka banaan waqtiga haduusan noo saamaxeyn inaan wada joogno wax dhib malaha samirka ayay nafteena baraneysaa

 Erayo jaceyl oo xul ah 12

Waxaa iga go’an inaan kuu dhiso adduun cusub oo jacayl ah, kaas oo ka sarreeya wax kasta oo dunida ah, waayo adiga ayaa ah boqorkii /boqoraddii qalbigayga.

 Erayo jaceyl oo xul ah 13

Waqti kasta oo aan kuu soo dhawaado, waxaan dareemaa in waqtigu uu istaago, waayoo waxaa tahay nafta iyo nafiska nolosheyda.

 Erayo jaceyl oo xul ah 14

Markad aniga I soo xasuusato fiiri dayaxa inoo dhaxeeya waayo waa halk shey oo aniga iyo adiga ka simanahay inaan si isku mid ah u wada aragno markaan dayaxa eegaba jaceyl mug iyo miisaan leh baan dareemaa

erayo jaceyl oo xul ah

Qoraa:

Saabiriin Sabnaa

Fadlan nala wadaag aragtidaada iyo codsigaada, adigoo noo reebayo comment halka hoose. Nambarkee ayaa qalbigaada aad u taabtay?


Erayo kale oo ay akhristayaasheenu ay aad u xiiseeyaan kuwaasoo aad u cajab geliyay. Laga yaabee adiguna in ay ku cajab geliyaaan:

Leave a comment

Get 30% off your first purchase

X