Akhriso erayo jaceyl qalbiga taabanayo gaar ahaan kuwo romantic ah. Jacaylku waa hadiyadda ugu qaalisan ee qalbigu bixiyo. Waa dareen nadiif ah oo qofka ka dhiga mid dhoolla-caddeeya marka uu maqlo magaca qof uu jecel yahay. Mararka qaar eray yar ayaa ka qiimo badan hadiyado waaweyn, sababtoo ah wuxuu si toos ah u taabtaa qalbiga.
Halkaan hoose waxaad ka heli doontaa erayo jaceyl qalbiga soo jiidanayo, kuwaas oo ku habboon inaad la wadaagto qofkaaga gaarka ah si aad u muujiso jacaylkaaga, qaddarintaada iyo daacadnimadaada. ❤️
Fadlan haddii ay qormadu ku cajabgeliso, haka baqiilin boggeena in aad faafiso ama aad la wadaagto asxaabtaada. Sidoo kale fadlan noo reeb aragtidaada si comment ah, marka ay qormaddu dhamaato qeybta hoose.
Mahadsanid akhriste!
Erayo jaceyl qalbiga soo jiidanayo Part 1:

Gacaliso / Gacaliye adiga dartaa ayaan u riyoodaa, Adiga darteed ayaan u dadaalaa. Noloshu macno ayay yeelatay tan iyo maalintii aan adiga ku bartay.
Qurux / Quruxeey ma joojin karo inaan ku jeclaado. Waa inaan runta kuu sheego. Mar walba waan kaa fikiraa, wakhti kasta. Runtii, subaxdii, habeenkii, xitaa bartamaha maalinta. Waa adiga, mar walbana adiga oo kaliya.
Qaali aamusnaantaydu micnaheedu ma aha inaan kaa fogahay, Waxay ka dhigan tahay inaan si qoto dheer kuu jeclahay. Adiga la’aantaa, qalbigaygu ma nasto.
Gacaliso / Gacaliye marka aan aamuso, waan kusoo xasuustaa. Marka aan kaa fogahay, aaan kuu xiisaa. Marka aan ku arko, waan jiriricoodaa – calashaan farxad xad dhaaf ah ayaan dareeemaa.
Erayo jaceyl qalbiga soo jiidanayo Part 2:

Macaanto / Macaane ka hor intaanan seexan adiga ayaan ka fikiraa, marka aan soo toosana adiga ayaa la ikaa horkeenaa. Waa halis nafteyduye, hadma hadma goormaan ku helayaa?
Gacaliso / Gacaliye mar kasta oo aan isku dayo inaan is mashquuliyo, haddana adiga ayaan ugu dambeys ka fikiraa. Subaxdii, habeenkii, wakhti kasta — adiga oo kaliya.
Gacaliso / Gacaliye qaaliga ah, jacaylku ma aha hadal kaliya, waa dulqaad, waa ixtiraam, waa joogitaan.
Aniguna mar walbaa adiga ayaa i leh.
Gacaliso / Gacaliye ma aqaan goorta ay bilaabatay, laakiin si tartiib tartiib ah ayaad qalbigayga u soo jiidatay. Xitaa marka aan dadka kale dhex joogo, maskaxdaydu adiga ayay ku raadinaysaa.
Erayo jaceyl qalbiga soo jiidanayo part 3:

Macaanto / Macaan ma qorsheyneynin inaan sidan kuu jeclaado, laakiin qalbigaygu adiga ayuu doortay.
Macaanto / Macaane mararka qaar waan qoslaa sabab la’aan… dabadeed waxaan ogaadaa in adiga aan kaa fikirayay.
Macaanto / Macaane Waqti kasta oo aan telefoonka eego, waxaan rajeynayaa inay tahay fariin adiga kaa timid.
Qaali adiga ayaad noqotay fikirka ugu quruxda badan ee maskaxdayda had iyo jeer ku nool.
Gacaliso / Gacaliye ma jirto maalin aanan adiga kaa fikirin. Jacaylkaygu ma yaraado, wuu sii koraa maalin kasta.
Erayo jaceyl qalbiga soo jiidanayo part 4

Qaali, subax walbaa qorraxdu way soo baxdaa, waxayna ifisaa dunida oo dhan laakiin gurigeena adiga ayaa iftiin u ah.
Haddii jacaylku yahay fikir joogto ah, anigu mar walba waan ku jeclahay.
Subaxdeydu adiga ayey kaa bilaabataa, habeenkiina adiga ayaan kugu dhammaataa.
Qaalideyda / Qaaligayga, haddii aan mararka qaar aamuso, ha u malayn inaan kaa jeestay. Qalbiga adiga ayaan kugu hayaa, adiga ayaa ah adduunkayga oo dhan.
Gacalisadeyda qaaliga ah / Gacaliye qaaliga ah, haddii qalbigayga la weydiiyo cidda uu jecel yahay, hal magac oo kaliya ayuu ku celcelinayaa — adiga. Ma tihid qof aan jeclahay oo keliya, balse waxaad tahay qof aan ku noolahay.
Erayo jaceyl qalbiga soo jiidanayo part 5

Gacaliso / Gacaliye marka aad ii dhoolla-caddeyso, dunidaydu way qurux badnaataa.
Marka aan mustaqbal ka fikiro, suuradaada qurxoon ayaa la i hor keenaa.
Qalbigaagu waa meesha kaliya ee aan ku nasto.
Adiga la’aantaa maalintaydu ma ahan mid nuureyso.
Mararka qaar waxaan qaataa xoogaa nasiino, xitaa aamusnaanteydu, qalbigaygu adiga ayuu kula hadlaa.
Adiga ayaa sabab u ah inaan fahmo jaceylka dhabta ah. Horta jaceylku waxa uu ii ahaa wax kale, mid dhalanteed ah. Runtii waan ku jeclahay, i aamin aniga.
Qaali ma ogtahay habeenkii marka ay dunidu aamusto, in qalbigaygu uu adiga kuu dhawaaqo? Haddii aadan ogeyn dbib malahan, aan ku xasuusiyo mar kale…
Erayo jaceyl qalbiga soo jiidanayo part 6

Marka aan indhaha isku qabto, adiga ayaan ku arkaa; marka aan kala furo, adiga ayaan ku raadiyaa.
Ma aqaan sida ay u dhacday, laakiin adiga ayaad noqotay gabayga uu qalbigaygu tiriyo.
Haddii waqtigu uu istaagayo hal ilbiriqsi, waxaan rabaa inuu noqdo ilbiriqsiga aan adiga kula joogo.
Jacaylka aan kuu qabo ma ahan mid la tirin karo — laakin waa mid la dareemi karo. Haddii aad dareentay halmar i dheh waan dareeamay.
Qalbigaygu wuxuu helay gurigiisa, halka uu nasiino ku dareemi lahaa, gurigaasna waa adiga. hadaba guri ma wada dhisanaa?
Gacaliso / Gacaliye, marka aan ku arko, qalbigaygu wuu deggaa. Marka aan kaa maqnaado, wuu ku xiisaa. Adiga ayaad ah rabitaankayga iyo farxadeyda.
Waxaad tahay qofka maskaxdaydu ka fikirto, qalbigayguna uu dareemo.
Gunnaanad
Waad ku mahadsantahay in aad soo booqato boggeena. Ma dooneysaaa erayo kale gaar ahaan erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh? Fadlan noo reeb comment qeybta hoose.
Qoraa Saabiriin Sabnaa – CISHQI-TEAM
Subscribe dheh youtube Channelkeena:
2 Comments on this post
Deeqo
February 22, 2026
Mahadsanid Cishqi Team, runtii aad ayaan ugu helay, erayada iyo sawiradda romantiga ah.
Ayaan Maxamed
February 23, 2026
Runtii erayadan waa kuwo qalbiga taabanaya ❤️. Mid ka mid ah ayaan u diray ninkeyga, aad buu uga helay. Mahadsanid erayada quruxda badan.