Erayo Jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Home Somali Erayo Jaceyl ah oo soo jiidasho leh
Cishqi

Baro erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh gaar ahaan kuwo naxariis badan oo jacayl ah. Sida loo jiito qofka aad jeceshahay waa wax fudud, haddii aad isticmaasho erayadaan cajiibka ee soo socdo.

Waa erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh kuwaasoo Cishqi Team uu kuu soo xulay.

💖 Erayo Jaceyl oo Qalbiga Taabanaya

Waxaan heystaa sabab aan ku farxo, sababtaasina waa adiga ❤️

Marnaba ma aanan ogeyn sida ay noloshu farxad u noqon karto illaa aan arko suuradaada farxada leh.

Waxaan dareemayaa farxad Ilaahey ka sukow sabab ayaad u tahay. Waxaan u arkaa in maalinteydu ay tahay mid dhameystiran oo qurux badan misana sidato jawi macaan. Waad ku mahadsantahay qalbi in aad sidaan ii farxadgeliso🌹

Qalbigeygu wuxuu u boodaa sida shimbir badeedka duula oo kale markasta oo aan adiga ku arko.

Tani waa wax aanan waligey horay u dareemin, ma qiyaasi karo waxa aan hadda dareemayo.

Adigu waxaa tahay qof cajiib ah!

Markaan ka fikiro adiga iyo wada-hadalladeena hodanka ah, waxaan dareemayaa diirimaad gudaha ah.

Xiriirkani waa mid gaar ah, oo cajiib ah, waxaana ku dhiirranayaa inaan iraahdo, qaddar.

Xusuusnow: Aduunku waa mid ku meel gaar ah, laakin jaceylka aan adiga kuu qabo waa mid aan dhamaad lahayn.

Inaan joojiyo ka fikirkaada, waa waxa ugu adag aduunkaan

Markaan kula-joogo, waxaan ahay qof dhamaystiran. Markaan kaa maqanahay, waxaan noqdaa qof haaf ah.

Waxaan tirinayaa daqiiqadaha, ilaayo intaan kaa arkayo.

💌 Erayo Jaceyl oo Qof Kugu Cusub aad u diri karto sida Facebook ama Whatsapp

erayo jaceyl qof kugu cusub

Marka aad dhoolla-cadeyso dunidu wey qurux badnaataa👌

Qish 1: u dir erayadaan tusaale marka aad aragto qofka aad ka heshay oo sawir qurux badan share gareynayo sawirkaasoo ah mid dhoolla-cadeyn ay ka muuqato ama u dir sawirkaan, durbaba waxaad arki doontaa qofkii oo kuu soo jawaabayo. Taasina waa fursad muujineyso in aad soo jiidatay.

Marka aad dhoolla-caddeyso, xitaa maalinta caajiska ah iftiin bay yeelataa ✨

Dhoolla-caddeyntaada ayaa iga dhigtay inaan fariintan degdeg u soo qoro 😅

Ma ogtahay in sawirka profile-kaaga uu ka qurux badan yahay sawir kasta oo aan maanta arkay? 😌

Waxaan moodayay in quruxdu sheeko tahay… ilaa aan adiga ku arkay 😉

Haddii dhoolla-caddeyntu abaalmarin lahaan lahayd, adiga ayaad ku guuleysan lahayd 🏆

Maalin fiican ayaan ku jiray… ilaa aan arko qof ka sii qurux badan maalintayda 😍

Haddii erayo lagu cabbiri karo qurux, wali mid kugu filan ma aanan helin ✨

Ma ku weydiin karaa hal su’aal? Sidee ayaad u noqotay qof sidan u soo jiidasho leh? 😉

Waxaan hubaa in qof kasta oo daawado quruxdaa in uu hal mar istaagayo 😌

Dhoolla-caddeyntaada cajiibka ah waxay igu kaliftay inaan fariintan kuu soo qoro 😄

Waxaan raadinayay qof xiiso leh… u maleyn maayo inaan sii raadiyo 😏

Sawirkaaga soo jiidashada leh wuxuu iga dhaadhiciyay in maanta ay tahay maalin nasiib leh ✨

Ma runbaa in quruxdu ku dhalatay mise waa sir gaar ah? 😉

Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado qofka ka dambeeya dhoolla-caddeyntaas quruxda badan 😊

Haddii Snap-ku tartan lahaan lahaa, adiga ayaad ku guuleysan lahayd 🫶

Hal salaan bis ayaan rabay in aan kuu soo diro… balse hadda xiiso gaar ah ayaan dareemayaa 😌

Ma iga ogolaanaysaa inaan ku daro sabab kale oo aan u dhoolla-caddeeyso maanta? 😊

Waxaan moodayay in aanan qof igu cusub la sheekaysan doonin… ilaa aan adiga ku arkay 😅

Qof qurux badan waa la arkaa… balse qof soo jiidasho leh waa la dareemaa – adiguna labadaba waad tahay ✨

Ma jiraa qof kuu sheegay in joogitaankaaga uu iftiin keeno? 🌟

Dhoolla-caddeyntaadu waa fariin aan u baahnayn tarjumaad 😌

Haddii la sheego “qof gaar ah”, magacaaga ayaa maskaxdayda ku soo dhacaya 😉

Waxaan rajeynayaa in fariintaydu ay ku keento dhoolla-caddeyn yar 😄

Maalin walba qof kula mid ah lama kulmo… balse nasiibkayga maanta waa adiga 😌

Qof qurux badan ma qarsan karo iftiinkiisa – adiga ayaana tusaale u ah ✨

Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado waxa kaa dhiga qof sidan u soo jiidasho leh 😊

Ma iga ogolaanaysaa inaan ku iraahdo “waxaad tahay qof gaar ah”? 😌

Qof walba ma aha mid qalbiga si degdeg ah u taabta… laakin adigu waa taabatay ❤️

Haddii aan ku oran lahaa “wow qoftu waa cajiib”, ma ku filnaan lahayd? 😉

Waxaan rabaa inaan ogaado qofka ka dambeeya quruxdan iyo kalsoonidan ✨

Ma kula tahay in sheeko qurux badan ay sidaan ku bilaaban karto? 😄

Waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo sababta aad u dhoolla-caddeyso maanta 😊

Qofka profile-kan leh waa inuu yahay qof aad u xiiso badan 😉

Waxaan dareemayaa in fariintani aysan ahayn mid caadi ah 😌

Haddii qurux la qeexi karo, adiga ayaan kaa bilaabi lahaa ✍️✨

Ma ogtahay in aad ka mid tahay dadka indhuhu ay ku nastaan? 😍

Waxaan rabaa inaan ogaado waxa kaa dhigaya mid ka duwan dadka kale 😉

Waxaan hubaa in jawaabtaadu ay ka sii qurux badnaan doonto fariintayda 😌

Marka aad dhoolla-caddeyso, dunidu way qurux badnaataa… anigana waan jeclaan lahaa inaan sabab ka noqdo dhoolla-caddeyntaada ✨

Qish 2: erayada marka aad u direyso qofka kugu cusub waa in ficilku iyo erayadu islahaadaan. Erayadaan waxay kaa saacidayaan in qofku uu kuu soo jawaabo sidaasna ay sheekadu ku bilaabato. Hadaba tijaabi tusaale erayadaan “Marka aad dhoolla-caddeyso, dunidu way qurux badnaataa…” adigaaba cishqi.com u mahadcelin doono. So nasiib wanaagsan hana naga baqiilin in aad nala wadaato waxa aad kala kulanto, adigoo noo reebayo comment halka hoose. Si aad page kaan dib ugu usoo booqato google ka ku qor: Cishqi ama cishqi.com durabab waxaad imaaneyso bloggeena gaar ahaan halka aan ku keedino erayo jaceyl oo xul ah kuwaasoo akhristeyaashenu ay uga heleen, adiguna ku cajab gelin doono insha Allah.

    🌹 Erayo Jaceyl oo Romantic ah

    Waxaad ahayd rajadaydi. Waan xasuustaa, waxaan rajayn jiray inaan heli doono maalin’un jaceyl dhab ah.

    Qaali waxaad u qalantaa aduunka oo dhan. Laakin wax ka-qiimo badan ayaan ku siin karaa: qalbigayga.

    Madaxaada ilaa suulkaada, waan u riyaaqaa waxkastoo u dhaxeeya.

    Waligay maan arag qof sidaada oo kale u bilic badan.

    Waxaa tahay sababta aan u neefsado. Hadaad iga tagto, waxaan dareemi in noolashayda la-jaray.

    Waan jeclahay dhamaan xubnaha jidhkayga iyo sifooyinkaada oo dhan.

    🥰 Erayo Jaceyl oo Gaaban

    Sidaa tahay ayaan ugu jeclahay.

    Waad I farxad galisaa.

    Adigaan kaa fikiraa had iyo jeer.

    Markasta qalbigayga ayaad ku-jirtaa.

    Maalintaan ku-bartay, waxay ahayd maalinti iigu farxada-badnayd.

    Adigaa i-leh. Adiga ayaana ilahaan doono inta nolosheyda ka dhiman.

    Waan nasiib badanahay, maadaama aan noolasha kula-wadaagay.

    🌞 Erayo Jaceyl Subax Wanaagsan

    Erayo Jaceyl Subax Wanaagsan

    Waxaan rajayn inaad heshay hurdo fiican, subax wanaagsan.

    Inaan arko adigoo muusoonaya subaxkasta waa sida kaliya een rabo iney subaxdayda ku bilaabanto.

    Anigoo kaa fikiraya ayaan soo toosay macaan. Ku jeclahay markasta.

    Qoraxdaydi subax wanaagsan. Waxaan ku faraxsanahay, inaan adiga kula-midoobay.

    🫂 Erayo Jaceyl oo Dareen leh

    Waan ogahay inaad mashquul tahay, kaliya waxaan rabaa inaan ku xasuusiyo inaan ku jeclahay.

    Waan ogahay inaad murugaysan tahay. Laakin ii farax macaan, aduunku wuxuu u baahan yahay qosolkaadi.

    Waan kuu xiisay qaali. Waxa kaliya ee qalbigayga kusoo dhacaya, waxaa weeyo, Anigoo hab ku-siinaya.

    Markaan ku arko waxaan jeclahay, inaan kuu soo-dhawaado.

    Ruuxi ugu wanaagsanaa een la-kulmo ayaa tahay.

    Qalbigaygi ayaad xaday, sideen kaaga tagaa.

    Ogow gabadhay qalbigaygaad gashay, anigana albaabadiisaan xidhay, furihiina waan tuuray.


    Kusoo biir youtube Channelkeena Cishqi rii halkaas

    🙏 Erayo Jaceyl oo Raali Galin Ah

    Farxadayda ugu wayn ee nolosha, waa dhoolacadayntaada. Ii qosol xabiibi.

    Waxaan rajeyn inaad u cafis badan tahay, sidaad u qurux badan tahay oo kale.

    Waan necbahay inaan is-dagaalno, intaan is dhuunkano maan ka gudubnaa khilaafka.

    Gunaanad

    Youtube keena cusub waxaa ku soo gudbin doonaa barnaamishyo ku saabsan arimaha jaceylka iyo erayo jaceyl ah gaar ahaan kuwo qalbiga soo jiidanayo. Hanaga baqiilin, hadda subscribe dheh oo halkaan riix: CISHQI Youtube Channel waxaad ka heleysaa erayo macaan ah

    16 Comments on this post

    • Jacel

      Reply
      • Masha Allah Run ahaanti Ad ayan ula dhacay waxan rajeyna ina ku faa iido

        Reply
    • Muna

      Reply
      • Waa wax aad u qurux badan
        Aad ayaan ku faraxsanahay inaad ka arko
        Taasi waa wax xiiso leh

        Reply
      • Erayo Amaan ah

        Reply
        • 613084255maxa

          Reply
    • Yuusuf

      Reply
    • Jcyl

      Reply
      • Mid kamid ah ayaan saaxibadeyda u diray. Runtii aad ayey ula dhacday. Markaan u diray kadib love ayey saartay. Thanks Cishqi.

        Reply
      • Waxad tahay boqoradii Noolashayda Waxad riyadeyda oo rumowday Farxad xad dhaafa ayaan ku dareema agtaada Indhahayga kaama leexin karo Waxan ugu jeclahay waa inaan agtaada ka soo tooso Waxad tahay hadyadi ugu qaalisanayd een helo Aduunka oo dhan ayaad u qalantaa Waxad tahay aragaygii Waxad tahay mustaqbalkaygii Waxad tahay iftiinkii Noolshayda Way qurux badan tahay Way dabeecad wacan tahay Way sharaf badan tahay Way dabeecad wacan tahay Way sharaf badan tahay Way dabeecad wacan tahay Way sharaf badan tahay Way dabeecad wacan

        Reply
    • Magaceyga waa Hamza, waad ku mahadsantihiin Cishqi Team.

      Reply
      • Erayo jaceyl oo sarbeeb ah

        Reply
    • Waxaan raadinayay erayo jaceyl oo macaan si aan ugu diro gabadha aan jeclahay, halkan ayaan ka helay 🥰. Fadlan noo soo kordhi kuwo kale oo qiiro leh.

      Reply
    • Runtii waa erayo si fiican loo habeeyey. Qof kasta oo jacayl dhab ah dareemaya wuu ka heli karaa. Ma heli karnaa qayb ku saabsan erayo jaceyl guur?

      Reply
    • Xasan qelshe nuur
      March 2, 2026

      Masha Allah Run ahaanti Ad ayan ula dhacay waxan rajeyna ina ku faa iido

      Reply
    • Erayo ka
      Mid ah ayan u diray my love kayga aad bay uga heshay thank you cishqi

      Reply

    Leave a comment

    Get 30% off your first purchase

    X