Marka aad rabto in aad lamaanahaga soo jiidato waxaad u baahan tahay runtii erayo naxariis badan oo jacayl ah gaar ahaan kuwo romantic oo qalbiga lamaanahaaga soo jiidanayo.
Sida qalbiga lamaanahaaga loo soo jiito ma ahann wax adag kaliya waxaad u baahantahay in aad u dirto erayo naxariis badan gaar ahaan kuwa soo socdo oo kale.
Erayo naxariis badan oo jacayl ah qeybta koowaad

Jacaylku waa farxad, waa raxmad, waa hadiyad aanan la helin karin, haddii ay jirto qof aad jeceshahay ilaasho oo u kool kooli sida u ubadkaada oo kale.
Jaceylku wuxuu leeyahay farxad iyo reyn reyn laakin qof walbaa ma dareemi karo marka laga reebo qofka adiga sida dhabta ah kuu jecel. Hadda waxaan dareemayaa farxadaasi, sow xaq uma lihi inaan ku dhaho: Waxaa tahay farxadeyda.
Anigoo dhul oomane ah socda misana heysan wax biyo ah hadaan xusuusto jaceylkaad I siisey dhab ahaan waxaan iloobaa haraadka waxaana gala jawi farxadeed.
Macaanto ma lihid saluug mana tihid sida noolaha oo kale waxaan aaminsanahay inaad wax dheertahey dhamaan aadanaha.
Sida ay indhaheyga u jecel yihiin iney daawadaan muuqaalkaaga ayuu qalbigeyguna u jecel yahey xusuustaada iyo inaad mar walbaa ku dhex jirto.
Erayo naxariis badan oo jacayl ah qeybta labaad

Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey inaa noolaha kuu jeclahey.
Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jacayl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax khiyaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku jeclaaday oo jaceylkii aan Khiyaaliga ka aaminsanaa ayaa weerar igu soo qaadey qalbigeyguna ma habsaaminee wuxuu jeclaadey qalbi u qalma jaceylka.
Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahay anna.
Dadka waxey riiyoodaan markey hurdaan oo indhaha is geliyaan laakiin aniga Aaadanaha taas waan kaga duwanahey waayo qalbigeyga asoo soo jeeda ayuu kugu riyoodaa.
Riyadu weey macaan badan tahay laakin waa goortee? Goor kale ma ahan ee waa goorta aan laabteyda kugu heysto.
Fariintaan adigoo akhrinayaa wax yar indhaha isku qabo kadib aayar feyd indhaha waxaad arkeysaa anigoo kuu sida ubax casaan ah.
Midigta waxey kaashataa bidixda indhahana waxey kaashadaan ileyska si ay wax u arkaan anna waxaan kaashadaa adiga.
Adigu kaliya ma tihid saaxibadeyda qaaliga ah /saabkegya qaali ah ee sidoo kale waxaa tahay ee sidoo kale waxaa tahay hantida aan gaarka u leeyahay.

💕 Erayo naxariis badan oo jacayl ah qeybta labaad
Markaad lamaanahaaga u dirto erayo macaan oo naxariis leh, waxaad kobcinaysaa jacaylka, kalgacalka, iyo farxadda labadiinaba. Waa hab fudud oo muujinaya sida uu qofkaas qalbigaaga ugu weyn yahay.
Indhahaaga waa iftiinka noloshayda.
Qalbigaaga waa daawada murugadayda.
Nolosheyda adigaa wehel u ah.
Markaan ku arko, farxad ayaan dareemaa.
Qalbigaaga ayaa iga dhigayo mid aad u faraxsan had iyo jeer.
Adiga la’aantaa noloshu maco badan iima lahaaneyso
Waxaan kuu baahanahay mar walba.
Jacaylka aan kuu qabo waa mid aan dhamaad lahayn
Maalin walba waxaan kuu rajaynayaa farxad.
Codkaaga oo kaliya ayaa iga dhigayo mid rajo leh
Waxaan noqon doonaa garabkaaga, maanta iyo beri.
Naxariistaada ayaan ku diirsadaa.
Waxaan jeclahay sida aad ii fahanto, marka aan kula haasaawayo.
Waa adag tahay inaan maalmo adiga la’aantaa ahaado.
Qalbiga aan kuu siiyay qof kale uma furna.
💞 Erayo Jacayl oo Qiiro Leh (Romantic Somali Quotes)
Haddii aad rabto inaad u dirto xaaskaaga ama lamaanahaaga fariin jacayl oo qiiro leh, erayadan hoose waa kuwo si toos ah u taabanaya qalbiga.
Adigaa saldhig u ah hamigayga.
Ruuxdayda adigaa dhiirrigeliya.
Noloshayda ma qiyaasi karo adiga la’aantaa.
Murugada waan ka ilaalin doonaa.
Hadafkaygu waa inaan noqdo qof ku farxad geliya.
Farxaddaada waa daganaanshaha noloshayda.
Walbahaarkaaga waa walwalkayga.
Adigaa qayb weyn ka ah nolosheyda.
🌹 Gunaanad (
Erayada jacaylka ee naxariista badan waxay yihiin dariiq sahlan oo lagu muujiyo dareenka dhabta ah ee qof aad jeceshahay. Hadal yar oo qalbi ka yimid ayaa mararka qaar ka qiimo badan hadiyad weyn.
Qoraa: Saabiriin Sabnaa.
Lawadaag aragtidaada Cishqi Team oo noo dhaaf comment, erayadee ayaad aad kuu cajabgeliyay?
18 Comments on this post
Hassan
July 21, 2025
Love
You
Eryo
Mohamed caaqil
March 11, 2026
Erayo jaceyl oo aan jaceylkeyga ku soo jiidan karo.
Yaasir xasan
March 28, 2026
Ereyo jaceylkeygi an kuso jidankaro
Mahamad
August 29, 2025
Book jacel
Huseen
December 5, 2025
Erayo macaan ayaa noo soo gudbiseen. Mahadsanid.
Axmed
February 26, 2026
Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey inaa noolaha kuu jeclahey.
Mowlid
March 24, 2026
Soomaaliya
Sakariye khadar
September 17, 2025
Erayo Jacayl ah oo badan
618428163
November 8, 2025
Dareen jacely
Hani
March 3, 2026
Eryo jaceyl oo kale. Fadlan noo soo badiya.
Othman
March 12, 2026
Waxaan Rabaa erayo. Jaceyl OO Ahan kusoo jiito gabar Aan hada baranaayo
Yaasir xasan
September 9, 2026
Ereyo jaceyl sojidasho leh gabar cusub
Shuceybmohamed
December 15, 2025
Jacelka
Xasan maxamad
March 7, 2026
Subax wanaagsan
Mustafa
January 1, 2026
Soo badiya waanka helay erayadaan
Mahad Cartan Maxamed
January 11, 2026
Waan ku jeclahay gacaliso
Nuur nageeye macalin
February 7, 2026
Soo badiyo fadlan erayo macaan
Othman
March 12, 2026
Waxaan Rabaa erayo jaceyl