Hordhac: Habeenka Koowaad ee Arooska
Bal qiyaas habeenkan…Caawa waa habeenka koowaad ee arooska. Arooskii wuu dhammaaday. Martidii way kala hoyatay. Sawirradii waa la qaaday. Hooyooyinka ducadoodii way bixiyeen. Saaxiibbadaana waxay kuu soo direen farriimihii ugu dambeeyay ee hambalyada.
Ku Soo Biir CISHQI Community
Noqo qayb ka mid ah bulshada CISHQI, halkaas oo aad ka helayso qoraallo xiiso leh, buugaag cajiib ah, xikmado qalbiga taabanaya, talooyin waxtar leh iyo aqoon noloshaada wax ku soo kordhinaysa.
❤️ Hadda Ku Biir CISHQI
Ugu dambayn, adiga iyo ninkaaga cusub oo kaliya ayaa isku soo haray.
Jawigu waa jawi dagan.
Adiguna waad aamusan tahay.
Isaguna wuu aamusan yahay.
Waxaad is weydiinaysaa:
Caawa maxaa dhici doona?
Sideen hadalka ku bilaabaa?
Haddii aan xishoodo maxaan sameeyaa?
Haddii aanan diyaar u ahayn raxada?
Haddii ninkaygu isaguna iga xishood badan yahay?
Amaan caawa xanuun dareemaa?
Qaali, haddii su’aalahan qaar maskaxdaada ku soo dhacayaan, ogow inaadan ahayn qofka keliya ee dareennadan la kulma.
Habeenka koowaad ee arooska wuxuu noqon karaa habeen ay farxad, xishood, jacayl, daal iyo welwel isku dhex jiraan.
Gabdhaha qaar waxay habeenkaas ka maqleen sheekooyin qurux badan. Qaar kalena waxay maqleen hadallo cabsi geliyay oo ku saabsan xanuun, dhiig-bax ama waxyaabo la filayo inay khasab u dhacaan.
Laakiin waxaa jirta xaqiiqo aad u muhiim ah:
Habeenka koowaad ee arooska ma aha imtixaan, mana aha tartan. Waa bilowga nolol ay laba qof ku dhisayaan jacayl, kalsooni iyo is-ixtiraam.
Maqaalkan CISHQI waxaan kuugu diyaarinay 21 talo oo kaa caawinaya inaad fahanto habeenka arooska koowaad, yarayso welwelka, ilaaliso kalsoonidaada, isla markaana nolosha guurka ku bilowdo qalbi deggan. Calashaan in aad ku raaxeysato oo aadan wax cabsi ah dareemin.
Waa Sidee Habeenka Koowaad ee Arooska?
Habeenka koowaad ee arooska waa habeenka ay lammaanaha cusub bilaabaan waqtigooda gaarka ah kadib xafladda guurka.
Dadka qaarkood waxay u arkaan habeen jacayl iyo isu dhowaansho. Qaar kalena waxay ku xusuustaan sheeko iyo qosol. Qaarna kalena waxay ku dhammeeyaan nasasho, sababtoo ah maalintii oo dhan ayay daalanaayeen.
Dhammaan xaaladahaas way dhici karaan.
Ma jiro hab keliya oo sax ah oo lammaane kasta laga filayo inuu raaco.
Habeenkaas waxa ugu muhiimsan waa in labada qofba dareemaan ammaan, kalsooni iyo xorriyad ay ku sheegaan waxa ay jecel yihiin iyo waxa aanay diyaar u ahayn.
Maxay Aroosadaha Qaar Uga Welwelaan Habeenka Koowaad?
Gabadha guurka cusub gelaysa waxaa laga yaabaa inay ka fikirto waxyaabo badan.
Waxay ka welweli kartaa xishoodka, isbeddelka nolosheeda, isu dhowaanshaha jireed ama filashooyinka dadka kale.
Mararka qaar cabsidu kama timaaddo waxa dhab ahaan dhici doona, balse waxay ka timaaddaa sheekooyin ay gabadhu maqashay.
Saaxiib ayaa laga yaabaa inuu wax buunbuuniyo.
Qof kale ayaa laga yaabaa inuu waayo-aragnimadiisa u soo bandhigo sidii wax qof walba ku dhici doona.
Laakiin lammaane kastaa wuu ka duwan yahay lammaanaha kale.
Waxa qof kale ku dhacay ma ahan khasab in ay kugu dhici doonaan.
Haddii aad su’aalo qabto, waa caadi. Haddii aad xishoonayso, waa caadi. Haddii aad u baahan tahay waqti, taasina waa caadi.
Geesinimadu ma aha inaad dareenkaaga qariso. Waa inaad si kalsooni leh u sheegto.
21 Talo oo Habeenka Koowaad ee Arooska Ka Dhigi Kara Mid Qurux Badan
1. Aroosadey, Marka Hore Neefso!
Maalin dheer ayaad soo martay.
Waxaa laga yaabaa inaad subaxdii hore kacday, timo iyo qurxin isku diyaarisay, sawirro iska qaadday, marti salaantay, kadibna saacado badan dhoolla-caddaynaysay.
Haddii aad hadda dareento welwel, naftaada waqti sii.
Biyo cab. Fadhiiso. Si tartiib ah u neefso.
Haddii aad rabto, ninkaaga ku dheh:
“Gacaliye, aad baan u faraxsanahay, laakiin xoogaa waan xishoonayaa.”
Hadal yar oo daacad ah ayaa ka wanaagsan inaad isku daydo inaad qariso wax kasta oo aad dareemayso.
2. Ha Isku Dayin Inaad Noqoto Aroosad Filim Ka Soo Baxday
Filimada jacaylka wax walba si fudud ayay ugu dhacaan.
Qof walba wuxuu yaqaan waxa uu oranayo. Ubaxyadu si qurux badan ayay u yaallaan. Muusigguna waqtigii saxda ahaa ayuu bilaabmaa.
Laakiin nolosha dhabta ah?
Waxaa laga yaabaa in aroosku furihii qolka waayo.
Waxaa laga yaabaa inaad adigu hilmaanto meesha aad taleefanka dhigtay.
Waxaa laga yaabaa inaad labadiinuba daalka darteed isku qososhaan.
Taasi ma aha guuldarro.
Uma baahnid inaad qof kale iska dhigto. Noqo qofka aad tahay.
3. Caruusow, Adiguna Geesinimada Ha Isku Qasbin! 😂
Ragga qaarkood waxay u malaynayaan inay habeenka koowaad khasab tahay inay wax walba hore u yaqaannaan.
Laakiin caruusow, adiguna waxaad tahay qof dareen leh.
Haddii aad xishoonayso, sheeg.
Waxaa laga yaabaa in aad xaaskaagu ku tiraahdo:
“Alxamdulillaah! Waxaan moodayay inaan aniga keliya welwelsanahay!”
Markaas labadiinuba waad qosli kartaan.
Kalsoonida dhabta ahi ma aha inaad iska dhigto qof aan waligiis baqin. Waa inaad si daacad ah ula hadasho qofka aad jeceshahay.
4. Ku Bilow Hadal Macaan, Ee Ha Ku Bilaabin Cadaadis
Markaad keligiin isku soo hartaan, isku day inaad ka sheekaysataan maalintii arooska.
Weydii:
“Maxaa maanta kuugu farxad badnaa?”
“Ma daashay?”
“Sidee ayaad hadda dareemaysaa?”
“Maxaad jeceshahay inaan caawa samayno?”
Su’aalahani waxay abuuri karaan jawi deggan.
Habeenkaas ma aha inaad wax walba hal mar ku dhammaysaan. Waxaad isu soo sabarteen habeeno badan. Wuxuu hamigiinu ahaa in riyadiina rumowdo. Caaawa wey rumowday.
5. Ha U Arag Habeenka Koowaad Wax Khasab Ah
Waxaa laga yaabaa inaad maqashay in lammaanuhu ay khasab tahay inay galmo sameeyaan habeenka arooska.
Taasi sax ma aha.
Galmadu waxay u baahan tahay rabitaan iyo oggolaansho xor ah ee labada qof ka timaadda.
Haddii midkiin daallan yahay, welwelsan yahay ama aanu diyaar u ahayn, waad sugi kartaan.
Guurku waa bilowga nolol wadajir ah, ma aha hal habeen oo wax walba lagu go’aaminayo.
6. Qosolku Wuxuu Jebiyaa Xishoodka
Bal qiyaas aroos cusub oo qolka soo galay, kadibna isku dayay inuu hadal jacayl ah bilaabo.
Tusaale wuxuu yiri:
“Gacaliso, caawa waxaan rabaa inaan kuu sheego wax aan muddo qarinayay.”
Aroosaddii ayaa si xishood leh u tiri:
“Maxay tahay?”
Wuxuu ugu jawaabay:
“Waxaan maanta illoobay inaan qadada cuno. Gaajo ayaan u dhimanayaa!” 😂
Aroosaddii ayaa qososhay.
“War bal marka hore kaalay aan cunto ku siiyee, ninkaygiiyow!”
Mararka qaar kaftan yar ayaa jawiga ka dhigi kara mid fudud.
Laakiin kaftanku waa inuu noqdaa mid labada qofba ku raaxaystaan, ee aanu qofna dhaawacayn.
7. Haka xishoon ninkaaga
Gabdhaha qaar waxay ka baqaan inay ninkooda u sheegaan waxa ay dareemayaan.
Laakiin xishoodku ma aha ceeb.
Waxaad ku dhihi kartaa:
“Waxaan rabaa inaan si tartiib ah wax u bilowno.”
“Weli waan xishoonayaa.”
“Waxaan u baahanahay inaan marka hore nasto.”
Lammaanaha ku ixtiraamayaa wuu ku dhegaysanayaa.
8. Oggolaanshaha Labadiinna Ha Noqdo Aasaaska
Isu dhowaanshaha jireed wuxuu u baahan yahay oggolaansho cad oo xor ah.
Aamusnaantu ma aha oggolaansho.
Guurku ma aha oggolaansho joogto ah.
Qofka ayaa xaq u leh inuu beddelo go’aankiisa, xitaa haddii uu markii hore wax oggolaaday.
Haddii midkiin yiraahdo “maya”, “jooji” ama “maanta diyaar uma ihi”, waa in la ixtiraamaa.
Jacaylku wuxuu ku dhisan yahay kalsooni, mana ku dhisna qasab.
9. Sheekooyinka Cabsi Gelinta Ah Ha Rumaysan
Waxaa jira sheekooyin badan oo ku saabsan habeenka koowaad ee arooska.
Qaar waxay ku saabsan yihiin xanuun. Qaar waxay ku saabsan yihiin dhiig-bax. Qaar kalena waxay gabdhaha ku abuuraan cabsi aan loo baahnayn.
Laakiin sheeko kasta oo la isku gudbiyo ma aha xaqiiqo caafimaad.
Haddii aad qabto su’aalo, macluumaad ah ka raadi ilo caafimaad oo lagu kalsoon yahay ama la hadal xirfadle caafimaad sida dhakhtarka oo kale.
10. Dhiig-baxu Ma Aha Caddaynta Bikranimada
Arrintan waa muhiim in si cad loo fahmo.
Gabar kasta ma dhiig baxdo marka ugu horreysa ee ay galmo samayso.
Dhiig-baxu wuu dhici karaa ama ma dhici karo.
Sidoo kale, muuqaalka xuubka bikrada ama dhiig-baxu ma caddayn karo in qof hore galmo u sameeyay iyo in kale.
Ma jiro baaritaan jireed oo si cilmi ah u xaqiijin kara bikranimada.
Sidaas darteed, gabadha laguma qiimayn karo dhiig-bax ama maqnaanshihiisa.
Sharafta iyo qiimaha gabadhu kuma xirna dhiig-bax habeenka koowaad arooska.
11. Haddii Aad Ka Baqayso Xanuun, Ha Isku Qasbin
Welwelka ku saabsan xanuunka waa mid ay haweenka qaar qabaan.
Laakiin xanuun daran ma ahan, mana ahn wax khasab ah oo ay tahay inaad u dulqaadato.
Haddii isu dhowaansho jireed uu keeno xanuun, waxaad sameyn kartaan in aad joojisaan ama aad ku tiraaho ninkaaga waxaan dareemayaa xanuun.
Deggenaansho, wada hadal iyo waqti ku filan ayaa muhiim ah.
Qallaylku wuxuu kordhin karaa raaxo-darrada, waxaana mararka qaar caawin kara saliid jilcisa oo ku habboon galmada.
Jeelka Saliida Durex Gel (Lubricant) – Habeenka Koowaad ee Arooska

Jelka saliida ah ee biyaha ku salaysan, sida Durex Naturals, wuxuu kaa caawin karaa yaraynta isku-dhaca iyo kordhinta raaxada. Haddii uu yaalo dalka aad joogto.
Muhiim: Yaan lagu degdegin galmada. Isfahamka, oggolaanshaha labada qof iyo deggenaanshuhu waa muhiim. Haddii xanuun jiro, waa in la joojiyaa. Galmada habeenka koowaad khasab ma aha.
Haddii xanuunku daran yahay ama soo noqnoqdo, la xiriir dhakhtar.
Ha isku dayin inaad xanuun u adkaysato si aad qof kale u qanciso.
12. Erayada Macaan Ha Ka Bakhiilin
Aroosow, xaaskaagu waxay soo martay maalin dareen badan. Waxayna u baahan tahay erayadaada macaan in aad dib u xusuusiso.
Waxaad ku oran kartaa:
“Waxaan ku faraxsanahay inaan nolosha kula wadaago.”
“Maanta aad ayaad u qurux badnayd.”
“Waxaan rabaa inaan noqdo qof aad ku kalsoonaan karto.”
Aroosadey, adiguna waxaad ku oran kartaa:
“Waan ku faraxsanahay inaan maanta ooridaada nqoday.”
“Mahadsanid sida aad maanta ii garab taagnayd.”
“Waxaan rajaynayaa inaan mar walba is fahamno.”
Erayada wanaagsan waxay xoojin karaan xiriirka.
13. Ha Iloobin Inaad Wax Cuntaan! 😂
Arooska dhexdiisa waxaa laga yaabaa inaad martida ku mashquusheen oo aanad si fiican wax u cunin.
Markaad qolka timaaddaan, gaajo iyo daal ayaa idin soo wajihi kara.
Waxaad diyaarsan kartaan biyo iyo cunto fudud.
Mararka qaar cashada yar ee aad wada cuntaan ayaa noqon karta xusuus macaan.
Ha ka dhigin habeenka oo dhan habeen diyaar garow iyo welwel badan. Relax.
14. Qolka Ha Ka Dhigin Mashruuc Qaali Ah
Ubax, nalal qurux badan iyo qol nadiif ah waxay abuuri karaan jawi wanaagsan.
Laakiin ma aha inaad lacag badan ku bixisaan qurxin si aad u heshaan habeen xusuus leh.
Waxa ka muhiimsan waa in labadiinuba dareentaan raaxo iyo deggenaan.
Quruxda habeenkaasi kuma xirna inta ubax ee qolka yaalla.
15. Nadaafadda Ka Fikir, Laakiin Ha Ku Xadgudbin
Nadaafadda guud waa muhiim.
Qubays iyo dhar nadiif ah ayaa kaa caawin kara inaad dareento raaxo.
Laakiin ha isticmaalin waxyaabo caraf badan ama kiimikooyin loogu talagalay in gudaha xubinta taranka lagu dhaqo.
Gudaha siilka isagaa si dabiici ah isu nadiifiya, waxaana dhaqidda gudaha ay carqaladayn kartaa dheellitirka dabiiciga ah.
Haddii aad leedahay cuncun, ur aan caadi ahayn ama xanuun, la tasho xirfadle caafimaad.
16. Ka Wada Hadla Qorshaynta Qoyska
Haddii aydnaan rabin uur isla markiiba, waxaa wanaagsan inaad ka wada hadashaan ka hortagga uurka.
Waxaa jira habab kala duwan oo ka hortag ah.
Kondhomku wuxuu sidoo kale yareyn karaa halista cudurrada galmada lagu kala qaado.
Xirfadle caafimaad ayaa idinka caawin kara doorashada hab ku habboon baahiyihiinna.
Wada hadalka arrintani ma aha wax jacaylka dhimaya; waa qayb ka mid ah masuuliyadda wadajirka ah.
17. Taleefannada Meel Dhiga
Aroosaddii waxay tiri:
“Gacaliye, caawa waa habeenkeennii koowaad.”
Arooskii wuxuu yiri:
“Hal daqiiqo, waxaan eegayaa inta qof ee sawirkeenna like saartay.”
Aroosaddii waxay ku jawaabtay:
“War ma anigaad guursatay mise Instagram?” 😂
Kaftankaas fariin ayuu xambaarsan yahay.
Waqti gaar ah sii qofka kula jooga.
Sawirrada iyo farriimaha berri ayaad eegi kartaan.
18. Asturnaantiinna Ilaaliya
Habeenka koowaad waa arrin idiin gaar ah.
Uma baahnidin inaad qaraabada ama saaxiibbada uga warramtaan faahfaahinta noloshiinna gaarka ah.
Haddii qof ku weydiiyo su’aalo aad u gaar ah, waxaad oran kartaan:
“Alxamdulillaah, waan wanaagsanahay. Ducadiinna ayaannu ku faraxsanahay.”
Intaas ayaa ku filan.
Haddii aad u baahan tahay taageero caafimaad, ama nafsi, waxaad xaq u leedahay inaad la hadasho qof xirfad leh ama qof aad ku kalsoon tahay.
19. Haddii Aad Daalan Tihiin, Seexda!
Waxaa laga yaabaa inaad maqashay in habeenka koowaad aanu dhammaan karin iyadoo lammaanuhu hurdaan.
Laakiin yaa xeerkaas qoray? 😂
Haddii aad maalintii oo dhan daalneedeen, nasashada ayaa noqon karta waxa ugu wanaagsan.
Waad wada sheekaysan kartaan, waadna raaxeysan kartaan sida shumis ama baashiyeen haddii aad labadiinuba rabtaan, kadibna seexan kartaan.
Wax gaar ah khasab ma aha.
20. Ha Filan in Habeenkaan Wax Khalad Ah Dhici Karin
Waxaa laga yaabaa inaad wax illowdaan.
Waxaa laga yaabaa inaad xishooddaan.
Waxaa laga yaabaa inaad qosol la dhacdaan xilli aydnaan filayn.
Taasi waa qayb ka mid ah nolosha dhabta ah.
Waxa ugu muhiimsan ma aha in habeenku noqdo mid kaamil ah.
Waa in labada qofba dareemaan ixtiraam iyo kalgacayl.
21. Xusuusnow: Jacaylka Dhabta Ahi Wuxuu Bilaabmaa Maalin Kasta
Habeenka koowaad ee arooska waa bilowga noloshiina. Waana habeenka koowaad ee sariirta ku kulmeysaa adiga iyo ninkaaga.
Sidoo kale waa habeen koowaad ee galmada. Habeen ka qurux badan habeenada kale.
Waxaa idin sugaya maalmo aad wada qosli doontaan, kuwo aad isku khilaafi doontaan iyo kuwo aad isu baahan doontaan.
Xiriirka wanaagsan waxaa dhisa wada hadal, dulqaad, kalsooni iyo masuuliyad.
Haddii aad caawa isku fahamtaan, berri sii wada.
Haddii aad wax ku kala aragti duwanaataan, si xushmad leh uga wada hadla.
Guurka wanaagsan ma aha hal habeen oo qurux badan. Waa nolol ay laba qof maalin kasta isku doortaan inay is ixtiraamaan.
Habeenka Arooska Maxaa La Sameeyaa? 7 Tallaabo oo Fudud
Haddii aad si toos ah u raadinayso jawaabta su’aasha “Habeenka arooska maxaa la sameeyaa?”, ku bilow sidan:
Tallaabada 1: Nasta. Maalin dheer ayaad soo marteen. Biyo cabba oo neefsada.
Tallaabada 2: Wada hadla. Is weydiiya sida aad dareemaysaan iyo waxa aad jeceshihiin.
Tallaabada 3: Isku muujiya kalgacayl. Erayo macaan iyo daryeel ayaa dhisi kara kalsooni.
Tallaabada 4: Ka wada hadla xuduudaha. Hubiya in labadiinuba ku qanacsan tihiin wax kasta oo aad samaynaysaan.
Tallaabada 5: Ha degdegina. Uma baahnidin inaad wax gaar ah habeenkaas isku qasabtaan.
Tallaabada 6: Ka fikir caafimaadka iyo qorshaynta qoyska. Haddii aad qabtaan su’aalo, raadsada macluumaad sax ah.
Tallaabada 7: Ku dhammeeya habeenka si raaxo leh oo bilaa welwel ah. Sheeko, qosol, kalgacayl ama hurdo—waxa muhiimka ahi waa heshiiskiinna.
Qiso Jacayl oo Qosol leh: Ayaan iyo Cabdiraxmaan Habeenkoodii Koowaad ❤️😂
Qisadani waa sheeko mala-awaal ah oo loogu talagalay madadaalo iyo dhiirrigelin.
Ayaan waxay ahayd aroosad 24 jir ah.
Cabdiraxmaan wuxuu ahaa nin 27 jir ah oo deggan, naxariis badan, isla markaana kaftanka jecel.
Maalintii arooska, Ayaan waxay ahayd qofka ugu farxadda badan hoolka.
Laakiin markii xafladdii dhammaatay, xishood ayaa ku soo kordhay.
Markay qolka yimaadeen, waxay fadhiisatay kursi yar oo daaqadda agtiisa yaallay.
Cabdiraxmaan isaguna sariirta geeskeeda ayuu fadhiistay.
Hal daqiiqo ayaa dhamaatay
Laba daqiiqo ayaa hadana dhamaatay
Shan daqiiqo ayeey hadana sii dhaaftay.
Ugu dambayn Cabdiraxmaan ayaa yiri:
“Ayaan, ma waxaan sugaynaa in macallin noo bilaabo casharka?”
Ayaan ayaa qosol yar la dhacday.
“Anigu waxaan moodayay inaad khudbad diyaarin rabtay!”
Cabdiraxmaan ayaa yiri:
“Khudbaddii waxaan ku illoobay hoolkii arooska. Xitaa magacayga ayaan ku sigtay inaan illoobo!”
Ayaan ayaa si fiican u qososhay.
Cabdiraxmaan wuxuu u keenay koob biyo ah.
“Ma daashay?” ayuu weydiiyay.
“Aad baan u daalay,” ayay tiri. “Waxaan maanta dhoolla-caddeeyay ilaa dhabannadaydu iga xanuuneen!”
Cabdiraxmaan wuxuu yiri:
“Aniguna waxaan salaamay dad badan oo aanan garanayn. Nin baa igu yiri ‘adeer, ma i taqaannaa?’ Waxaan ku iri ‘caawa qof walba waan aqaan!’”
Labadoodii ayaa qosol la dhacay.
Markii jawigii degganaaday, Ayaan waxay si hoose u tiri:
“Cabdiraxmaan, run ahaantii caawa waan yara baqayay.”
Cabdiraxmaan ayaa dhinaceeda fadhiistay.
“Maxaad ka baqaysay?”
“Waxaan ka baqayay inaanan garanayn waxa la iga filayo.”
Cabdiraxmaan wuxuu ku jawaabay:
“Ayaan, wax imtixaan ah kaama sugayo. Waxaan rabaa inaan noqono laba qof oo is fahma. Haddii aad daallan tahay, waan nasan karnaa. Haddii aad rabto inaan sheekaysanno, waan sheekaysan karnaa.”
Ayaan waxay dareentay deggenaan.
“Adiguna ma xishoonaysay?” ayay weydiisay.
Cabdiraxmaan ayaa qoslay.
“Aniga? Markii aan qolka soo galay, waxaan illoobay sababtii aan u istaagay!”
Ayaan ayaa mar kale qososhay.
Waxay bilaabeen inay ka sheekaystaan arooskii, riyooyinkooda iyo meelaha ay jeclaan lahaayeen inay mustaqbalka booqdaan.
Muddo kadib, Ayaan waxay tiri:
“Waxaan filayay in caawa ay noqon doonto habeen aad u cabsi badan.”
Cabdiraxmaan wuxuu weydiiyay:
“Haddana?”
Ayaan waxay ku jawaabtay:
“Hadda waxaan ogaaday inaan guursaday nin kaftankiisu ka badan yahay hurdadiisa!”
Cabdiraxmaan ayaa yiri:
“Taasi waa hadal wanaagsan. Laakiin waxaan ka baqayaa inaad berri ogaato inaan quraacda ku liito!”
Ayaan waxay tiri:
“Markaas guurkeenna casharkiisa koowaad wuxuu noqonayaa sida shaaha loo kariyo!” 😂
Habeenkaas waxay ku dhammeeyeen sheeko, qosol iyo nasasho.
Subaxdii, Cabdiraxmaan wuxuu Ayaan u keenay koob shaah ah.
Ayaan ayaa dhadhamisay.
Waxay tiri:
“Gacaliye, shaahani sonkor ma laha!”
Cabdiraxmaan wuxuu ku jawaabay:
“Waxaan moodayay in jacaylkeennu ku filan yahay macaan!”
Ayaan ayaa qososhay.
“Jacaylka waan haynaa, laakiin shaaha sonkor u keen!”
Casharka Qisada
Ayaan iyo Cabdiraxmaan ma aysan isku dayin inay sameeyaan habeen kaamil ah.
Waxay doorteen inay is dhegaystaan, isku qoslaan oo ixtiraamaan dareenkooda.
Taasi waxay noqotay bilowga kalsoonidooda.
Aroosadey, 5 Arrimood oo Aad Xusuusato ❤️
Qiimahaagu kuma xirna habeenka koowaad. Ma jiro wax ay tahay inaad qof ugu caddayso dhiig-bax ama xanuun.
Waxaad xaq u leedahay inaad dareenkaaga sheegto. Haddii aad xishoonayso, daallan tahay ama welwelsan tahay, si furan u hadal.
Waxaad xaq u leedahay inaad maya tiraahdo. Guurku ma baabi’iyo xaqaaga oggolaanshaha.
Waxaad xaq u leedahay macluumaad caafimaad oo sax ah. Ha ku tiirsanaan sheekooyin cabsi leh.
Waxaad mudan tahay jacayl iyo ixtiraam. Lammaanaha wanaagsan wuxuu rabaa inaad dareento ammaan, ee ma rabo cadaadis.
Aroosow, 5 Arrimood oo Xaaskaaga Ka Farxin Kara 🌹
Dhegayso. Ha u qaadan inaad garanayso waxa ay dareemayso adigoon weydiin.
U muuji dulqaad. Haddii ay waqti u baahan tahay, ixtiraam.
U sheeg erayo wanaagsan. Qadarin iyo kalgacayl ayaa muhiim ah.
Ha ku cadaadin. Oggolaanshaha iyo raaxada labadiinna ayaa saldhig u ah isu dhowaanshaha.
Noqo saaxiibkeeda. Guurka wanaagsan wuxuu ku dhismaa saaxiibtinimo, kalsooni iyo masuuliyad wadajir ah.
Caadi iska dhig. Baahasha makaa dhamaaneyso mana ahan habeenkii ugu dambeeyay. Xaaskaaga adiga ayeey xaas kuu tahay.
Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo – FAQ
Habeenka Koowaad ee Arooska Maxaa La Sameeyaa?
Lammaanuhu waxay wada hadli karaan, nasan karaan, isu muujin karaan kalgacal oo ka wada go’aansan karaan waxa ay ku qanacsan yihiin. Wax gaar ah khasab ma aha inay dhacaan.
Maxay Gabdhaha Qaar Uga Baqaan Habeenka Arooska?
Waxaa sabab u ah xishoodka, waayo-aragnimada cusub, xanuun, sheekooyin cabsi leh ama filashooyinka bulshada.
Habeenka Koowaad Galmo Ma Khasab Baa?
Maya. Galmadu waxay u baahan tahay oggolaansho xor ah oo labada qof ka timaadda. Haddii midkood aanu diyaar ahayn, waa in la ixtiraamaa.
Gabadhu Ma Khasab Baa Inay Dhiig Baxdo Habeenka Koowaad?
Maya. Dhiig-baxu ma aha wax khasab ah, mana caddayn karto bikranimada qofka.
Habeenka Koowaad Xanuun Ma Khasab Baa?
Maya. Raaxo-darro way dhici kartaa, laakiin xanuun daran ama joogto ah ma aha wax ay tahay in la iska indho tiro. Haddii xanuun jiro, joojiya; haddii uu sii socdo ama daran yahay, la xiriir dhakhtar.
Maxaa La Sameeyaa Haddii Aroosaddu Aad U Xishoonayso?
Waxaa wanaagsan in si deggan loola hadlo, waqti la siiyo, lana ixtiraamo waxa ay diyaar u tahay.
Maxaa La Sameeyaa Haddii Aroosku Isaguna Welwelsan Yahay?
Isaguna wuu sheegi karaa dareenkiisa. Wada hadal, dulqaad iyo kaftan xushmad leh ayaa caawin kara.
Haddii Lammaanuhu Daalan Yihiin, Ma Seexan Karaan?
Haa. Nasashada iyo hurdadu waa doorashooyin caadi ah. Ma jiro wax khasab ah oo ay tahay inay habeenkaas sameeyaan.
Ma Habboon Tahay In Saaxiibbada Loo Sheego Wixii Habeenkaas Dhacay?
Waxaa wanaagsan in la ilaaliyo asturnaanta lammaanaha. Faahfaahinta gaarka ah looma baahna in dadka kale lala wadaago.
Sidee Habeenka Koowaad Looga Dhigi Karaa Mid Xusuus Leh?
Waxaa ka caawin kara jawi deggan, wada hadal, qosol, erayo jacayl, ixtiraam iyo in labada qofba dareemaan raaxo iyo kalsooni.
Gunaanad: Gacalisoy, Ha Ka Baqin Bilowga Jacaylkaaga ❤️🌹
Habeenka koowaad ee arooska wuxuu noqon karaa habeen farxad badan, xishood leh, qosol badan ama daal badan.
Waxaa laga yaabaa inaad ku bilowdaan sheeko.
Waxaa laga yaabaa inaad isku qosashaan.
Waxaa laga yaabaa inaad wada nasataan.
Waxa ugu muhiimsan ma aha in habeenku noqdo sida sheekooyinka dadka kale.
Waa inuu noqdo habeen aad labadiinuba ku dareentaan ammaan, qadarin iyo kalsooni.
Aroosadey, ha isku cadaadin inaad qof kale noqoto.
Aroosow, ha u arkin habeenkaas fursad aad wax ku caddaynayso si aad nin rag ah isaga dhigto.
Labadiinnuba xusuusta in guurku yahay safar dheer oo u baahan wada hadal, dulqaad iyo jacayl.
Habeenka koowaad ee arooska ma aha meesha lagu cabbiro qiimaha jacaylkiinna. Waa mid ka mid ah maalmaha ugu horreeya ee aad baranaysaan sida qalbiyadiinnu isu fahmaan.
Haddii aad habeenkaas ku bilowdaan kalsooni iyo is-ixtiraam, waxaad dhisaysaan aasaas wanaagsan oo noloshiinna cusub ah.
CISHQI — Halka qalbiyadu isku fahmaan. ❤️🌹
Ku Soo Biir CISHQI Community
Noqo qayb ka mid ah bulshada CISHQI, halkaas oo aad ka helayso qoraallo xiiso leh, buugaag cajiib ah, xikmado qalbiga taabanaya, talooyin waxtar leh iyo aqoon noloshaada wax ku soo kordhinaysa.
❤️ Hadda Ku Biir CISHQI