Shukaansi bilow ah: Asiga iyo Iyada

Home Somali Dating Shukaansi bilow ah: Asiga iyo Iyada
shukaansi bilow ah, shukaansi qoraal ah

Shukaansi bilow ah waa marxalad xasaasi ah oo go’aamisa mustaqbalka xiriirka. Dad badan waxay ku fashilmaan sababtoo ah degdeg, hadal aan miisaan lahayn, ama kalsooni la’aan. Laakiin marka si sax ah loo bilaabo, shukaansigu wuxuu noqon karaa mid qurux badan oo waara.

Sidee loo bilaabaa shukaansi soo jiidasho leh? Maxaa lagu soo jiitaa qofka aad ka heshay? Maxaase laga fogaadaa?

Qodobbada Muhiimka Ah shukaasiga:

1. Isbarasho Ixtiraam Leh

Bilowga shukaansigu waa inuu noqdaa mid deggan oo xushmad leh.
Haku bilaabin hadal degdeg ah oo qiiro badan.

Tusaale:
Labiskeeda: “Aad ayaad ugu nuureysaa labiskaaga👌” Marka aad erayadaas oo kale u qorto, durbaba waxaad noqoneysaaa qof ka duwan ragga kale. Sabab? sababtoo ah ragga inta badan marka ay qof wax u qorayaan, waxay ku bilaabaan quruxda jirkeeeda. Taasi waxaa u soo diro kumanaan qof.

Hadaba taasi waxay u muujineysaa in aad ragga kale wax badan dheer tahay, fariintaaduna ay dareen gaar ah wadato.


2. Ha Degdegin

Shukaansi bilow ah ma aha in si toos ah jacayl loo sheegto, marka hore si qooto qooto ah.
Kadib dhis kalsooni iyo wada hadal joogto ah.


3. Isticmaal Fariimo Qalbiga Taabanaya

Fariin yar oo daacad ah ayaa ka qiimo badan hadal badan.

Tusaale:
“Maanta si kedis ah ayaan kaaga fikirayay”


4. Noqo Qof La Aamini Karo

Haddii aad ballan ka qaaddo si aad u wacdo — samee.
Haddii aad tiraahdo adigaan kuu joogaa — muuji.

Shukaansi bilow ah – Maalinta 1-aad – Isbarasho

Isaga:
Asc, magacaygu waa Ahmed. Waxaan arkay comment-kaaga, si deggan ayaad u hadashay.

Iyada:
Wcs😊 Mahadsanid. Magacaygu waa Hodan. Farxad ayay ii tahay.

Isaga:
Runtii waan ka helay sida aad u fikirto. Qof degan ayaad u muuqataaa.

Iyadu:
Taasi waa hadal qurux badan. Adigana qof ixtiraam badan ayaad u muuqataa.


Shukaansi bilow ah – Maalinta 3-aad – Xiisaha Bilaabmaya

Isaga:
Maanta si kedis ah ayaan kaaga fikiray.

Iyada:
Runtii? Maxaa kugu kalifay?😊

Isaga:
Ma aqaan… laakiin mar kasta oo aan kula hadlo, qalbigaygu wuu nastaa.

Iyada:
Hadalkaagu wuu qurux badan yahay… laakiin waa inaad iga dhaadhiciso inaan aaminsanaado 😅

Isaga:
Waqti i sii. Si ficil ayaan ku tusayaa.


Shukaansi bilow ah: Usbuuc Kadib – Dareen Qoto Dheer

Iyada:
Maanta maalin adag ayay ii ahayd.

Isaga:
Bal ii sheeg. Anigu waan ku dhageysanayaa.

Iyada:
Mararka qaarkood waan daalaa.

Isaga:
Haddii aad daasho, ogow inaan kuu joogo. Adiga kali ma tihid.

Iyada:
Eraygaas keliya ayaa iga farxad geliyay.


Shukaansi bilow ah: Bishii 1aad – Kalsooni

Isaga:
Waxaan rabaa inaan kuu sheego wax run ah.

Iyada:
Waan ku dhageysanayaa.

Isaga:
Sida aad tahay ayaan kugu jecelahay. Waxba ha iska beddelin.

Iyada:
Hadalkani qalbigayga ayuu taabtay… aniguna waan ku daneeyaa.


Shukaansi bilow ah: Bishii 3aad – Qorshe Mustaqbal

Isaga:
Mararka qaarkood mustaqbal ayaan ka fikiraa…

Iyada:
Maxaad ku aragtaa?

Isaga:
Adiga. Aniga iyo adiga oo nolol wada dhisanayna.

Iyada:
Taasi ma aha hadal fudud.

Isaga:
Ma aha. Waa go’aan qalbiga ka yimid.


Shukaansi bilow ah: Dhamaad Qurux Badan 💍

Isaga:
Ma doonayo shukaansi kaliya. Waxaan doonayaa nolol wadajir ah.

Iyada:
Haddii ay sidaas tahay… aan wada dhisno mustaqbal.

Isaga:
Maalin kasta mar kale ayaan ku dooran lahaa.

Iyada:
Aniguna sidoo kale.

❤️ Gunaanad

Shukaansi bilow ah waa aasaaska xiriir kasta.
Haddii si ixtiraam leh loo bilaabo, kalsooni lagu dhiso, jacaylkuna si tartiib ah ayauu u kobcayaaa — xiriirku wuu waari karaa.

Xusuusnow:
Jacaylku kama bilaawdo hadalo badan — ee wuxuu ku bilaawdaa ixtiraam yar.

shukaansi bilow ah

Qoraa: Mustafe MMj

Akhriste nala wadaag aragtidaaada oo noo reeb. Ma soo badinaa shukaansi nuucaan ah oo kale ah?

Soo qor: haa, soo baadiya.

Leave a comment

Get 30% off your first purchase

X