Sida gabar loo soo jiito weliba qaabab cajiib ah

Home Uncategorized Sida gabar loo soo jiito weliba qaabab cajiib ah
sida gabar loo soo jiito

Haddii aan nahay rag waa muhiim in aynu barano sida gabar loo soo jiito weliba qaab yara cajiib ah. Marka aadan aqoonin sida gabar loo soo jiito waxaa laga yaabaa shukaansigaaga koowaad in uu noqdo mid burburo inta aan la gaarin qeebaha xiga ee shukaansigaaga.

Si aysan taa u dhicin waxaan halkaaan kuugu diyaarinay 11-Qodob oo kaa caawinayo sida gabar loo soo jiito qaab yara cajiib ah oo weliba wiil walbaa uu sameyn karo.

Mararka qaaarkood markaad aragto qoftoo shidan waxaa laga yaabaa in aad istiraahdo, qoftaan oo kale miyaa soo jiidan kartaa, laakin ma ahan wax adag.

Haddaba waxaa laga yaabaa in aad isweydiineyso, haddii ayba sidaasi ufududahay maxaan single la ahay?

Of course wax kale ma ahan ee waxaad u baahan tahay oo kaliya in aad raacdo tilmaamahani cajiibka ee aan kuu soo diyaarinay:

Sida gabar loo soo jiito, jaceyl, cishqi

Noqo qof run badan: Si aad u soo jiidato gabadha aad ka heshay, kaliya noqo qofka aad tahay oo ha isku dayin inaad iska dhigto qof kale. Run ahaantii gabar walbaa waa ay ka heshaa wiilka nuucaan ah, aadna wey u qiimeysaaa.

Sida gabar loo soo jiito

Muuji xiiso: Sidoo kale sida gabar loo soo jiito waxaa kamid ah in aad si taxadar leh u dhegeysato marka ay hadlayso oo aad weydiiso su’aalo si aad wax badan uga barato iyada. U muuji xiisaha dhabta ah ee aad u qabto.

Sida gabar loo soo jiito

Noqo wiil ixtiraam leh: Gabdhaha aad ayey u jecelyihiin wiil ixtiraamo ra’yigooda, go’aanadooda, iyo xuduudahooda. Ixtiraam shakhsiyadooda oo ula dhaqan si xushmad iyo qadarin leh. Waxaa rajeyn in aad intaasi ka dhabeyn doonto si aad qalbigeeda si fudud ugu hanato.

Sida gabar loo soo jiito

U muuji daryeel: Noqo qof fiiro gaar ah leh oo u fiirso, muuji naxariis iyo taageero joogto gaar ahaan wakhtiyada adag. U muuji xiisaha aad u qabto wanaaggeeda, oo sii, caawimaad haddii ay u baahan tahay.

sida gabar loo soo jiito

Muuji Kalsooni: Kalsoonidu uu wiilku isku qabo waxay noqon kartaa mid soo jiidasho leh. U muuji kalsooni gaar ahaan hab-dhaqankaaga iyo hadalkaaga. Maxaa yeelay gabdhaha aad ayey uga helaan wiil isku kalsoon. Si kastaba ha ahaatee, ka taxaddar inaadan kula kulmin si kibir badan.

sida gabar loo soo jiito

Noqo wiil kaftan badan: Kaftanku waa hab aad u fiican oo lagu abuuro jawi deggan oo farxad leh. Si kastaba ha ahaatee, ixtiraam oo iska ilaali kaftanka xun ama aanan habboonayn. Tani waa point aad u muhiim ah, maxaa yeelay gabar walbaa waxay jeceshahay wiil ka qoslisiiyo, maalinteedana ka dhigo maalin cajiib ah.

sida gabar loo soo jiito

Muuji Feejignaan: U muuji dareenka iyo kalgacaylk aad u qabto, u dir erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh, gaar ahaan erayada lagu soo jiito gabadha kugu cusub. Sameey dhaqdhaqaaqyo yaryar sida in aad keento ubax si lama filaan ah, kuna tiraahdo tusaale, adigaan kaa fikiray xiliga aan gaariga soo saarnaa, dabadeedna waxaan go,aansaday in aan ubaxaan kuu hadiyadeeyo, ma iga gudoomeysaa?

Muhiim ma ahan in aad wax weyn u keynto kaliya waxaa muhiim ah wax yar oo qalbigeeda soo jiidanayo si aad halkaas uga bilaawdo shukaansi bilow ah (Qooto Qooto).

sida gabar loo soo jiito

Muuji adkeysi badan: Mararka qaar waxaa laga yaabaa in ay ogaato qofka dhabta ah ee aad tahay. Ma waxaad tahay nin adkeysi badan oo u udulqaadan karo caqabadaha adag, mise nin jilcan? Tus inaad wax ka qaban karto dhibaatooyinka iyo inaad leedahay dabeecad wanaagsan oo loo riyaaqo.

sida gabar loo soo jiito

Haka hadlin xiriirkaagii hore: Ka hadalka qofka aad xiriirka la lahaan jirtay munaasab kuma ah in aad soo qaado kulanka 1aad, maxaa yeelay ma haboono in ay ogaato sababaha uu xiriirkaagii hore u burburay.

Sida gabar loo soo jiito

Ha isku amaanin si xad dhaaf ah: Si kasta oo aad magac iyo sumcad u leedahay ma hooboona kulamada hore in aad si xad kabax u faanto waayo qofka aad la hadleyso wuxuu iska dhaadhicinayaa in uu bartay qof faan badan, dadka faana inta badanna waa kuwa laga shakiyo ama loo qaato in uu qofk uu la hadlaayo iska cadow jabiyo taasne waxay kaa burburin kartaa in kulanka xiga.

sida gabar loo soo jiito

Arimahaaga kuwa adiga kuu gaarka ah (Sirtaada): Laga yaabee in aad kala hadasho arimahaaga adiga oo iska dhigayo qof daacad balse qofka aad markaas la hadleeso wuxuu kuu arkaa in uu bartay qof aan waxba qarsan karin, wuxuuna kaala baqaa in uu warar hoose kuugu aamino.

Waxaan rajeyneynaa in aad qormadani wax badan aad ka faaiday, weligaa gabar ma jeclaatay? Haddii ay jawaabtaada tahay nala wadaag comment oo hoos ku qor aragtidaada.

Haddii aad gabar tahay, maxaa u qisheysaaa wiilasha doonayo in ay soo jiitaan gabadha ay jecelyihiin, adigana halkaa hoos nagula wadaag aragtidaada.

Waad ku mahadsantahay in aad ka mid tahay akhristayaasha cishqi.com.

1 Comments on this post

  • Erayo naxariis badan

    Reply

Leave a comment

Get 30% off your first purchase

X