Sida Loo Shukaansado Gabdhaha: 21 Sir oo Qalbigeeda Lagu Kasbado πŸ”₯❀️

Home Jacaylka iyo Xiriirka Sida Loo Shukaansado Gabdhaha: 21 Sir oo Qalbigeeda Lagu Kasbado πŸ”₯❀️
Sida loo shukaansado gabdhaha, shukaansi gbar kugu cusub

Hordhac: Waxaad Aragtaa Gabar Qurux Badan… Maxaa Xiga?

Bal qiyaas in ay tahay maalin qurux badan misana aad dhex socoto magaalada. Waxaad soo gashay maqaaxi yar oo shaah iyo kaffee laga cabo. Dadku way sheekaysanayaan, qaarna taleefannadooda ayay ku mashquulsan yihiin. Adigoo kursi raadinaya ayay indhahaagu qabtaan gabar qurux badan.

❀️ 🌹

Ku Soo Biir CISHQI Community

Noqo qayb ka mid ah bulshada CISHQI, halkaas oo aad ka helayso qoraallo xiiso leh, buugaag cajiib ah, xikmado qalbiga taabanaya, talooyin waxtar leh iyo aqoon noloshaada wax ku soo kordhinaysa.

❀️ Hadda Ku Biir CISHQI
CISHQI β€” Halka qalbiyadu isku fahmaan. 🌹

Indhaheedu weey soo jiidasho badan yihiin, dhoolla-caddaynteeduna waxay leedahay iftiin gaar ah. Dharka ay xiran tahay wuxuu si qurux badan ugu habboon yahay muuqaalkeeda, socodkeeduna wuxuu muujinayaa kalsooni. Waxaa intaa kuu sii dheer jirkeeda macaan; dhabanada taagan iyo kuuntada cajiibka ah ee ku xiran.

Waxaad dareentaa in wadnahaagu si ka duwan sidii hore u garaacmayo…

Maskaxdaada durbaba weey daciiftay. Waxay u kala qeybsantay saddex qeybood:

Qayb koowaad ee maskaxda ayaa ku leh: War ninyahow, gabadha la hadal, karti isu yeel!

Qaybta labaad ee maskaxda ayaa iyana ku leedahay: Horta kafeeygaaga cab, ceeb ha isku soo jiidine!

Qayb saddexaad iyadan sidoo kale waxay ku leedahay: Haddii ay ku diiddo, maqaaxidan mar dambe ha soo gelin! πŸ˜‚

Laakiin su’aasha dhabta ahi waxay tahay:

Sidee loo shukaansado gabdhaha adigoo kalsooni leh, kaftan yaqaan ah, isla markaana aan isku dayin inaad qof kale iska dhigto?

Ragga qaar waxay u haystaan in gabadha lagu soo jiito lacag badan, baabuur qaali ah ama murqo waaweyn.

Qaar kale waxay u malaynayaan in ninka ugu codka dheer uu yahay ninka ugu soo jiidashada badan.

Laakiin shukaansiga wanaagsan intaas wuu ka xiiso badan yahay.

Waxaa jira awood gaar ah oo uu leeyahay nin si deggan u hadla, indhaha qofka si dabiici ah u eega, kaftan macaan sameeya, isla markaana aan ka baqayn inuu maqlo maya. Abowe iga raali noqo.

Ninka noocaas ahi uma baahna inuu ku dhawaaqo inuu yahay Alpha Man.

Kalsoonidiisa ayaa hadasha ka hor inta uusan isagu hadlin.

Maqaalkan CISHQI waxaan ku baran doonaa 21 sir oo ku saabsan sida loo shukaansado gabdhaha, laga bilaabo ilbiriqsiga aad aragto gabar qurux badan ilaa waqtiga aad isku barataan oo uu jacayl dhab ahi bilaabmi karo.

Waxaan ka hadli doonaa muuqaalka gabadha, luqadda jirka, hadalka ugu horreeya, kaftanka, farriimaha WhatsApp iyo khaladaadka ay ragga intabadan sameeyaan.

Diyaar ma tahay?

Hagaaji shaarkaaga, dhoolla-caddee, kalsoonidana soo qaado. Safarkii shukaansiga ayaa bilaabanaya. 😎❀️

Sida Loo Shukaansado Gabdhaha: 21 Sir oo Ragga Kalsoonida Leh Yaqaannaan

1. Marka Aad Aragto Gabar Qurux Badan, Ha Isku Khaldin

Bal ka soo qaad inaad aragtay gabar indho qurux badan leh, dhexdeedu si dabiici ah u samaysan tahay, dharkeeduna si xarrago leh ugu habboon yahay jirkeeda.

Waa caadi inaad quruxdeeda dareento.

Laakiin qaladka ugu horreeya ee ragga qaar sameeyaan waa inay si aan kala joogsi lahayn u eegaan jirkeeda.

Taasi ma aha kalsooni.

Waa hab qofka kale ku dareensiin kara raaxo-darro.

Ninka soo jiidashada leh wuu dareemaa quruxdeeeda, laakiin wuu is xakameeyaa.

Wuxuu eegaa wejigeeda, dhoolla-caddeeyaa, kadibna wuxuu fiiriyaa inay diyaar u tahay la qabsi.

Haddii ay mashquulsan tahay, oo ay iska jeesato, ama ay iska indho tirto, ama aanay rabin in lala hadlo, wuu ixtiraamaa.

Sirta koowaad: Quruxdeeda waad jeclaan kartaa, laakiin kalsoonidaada ha lumin.

2. Kalsoonidu Waa Hubkaaga Ugu Weyn 😎

Waxaa laga yaabaa inaad aragto nin aad u qurux badan, laakiin marka uu gabadh la hadlayo uu hadalkii ka dhammaado.

Dhanka kale, waxaa jiri kara nin muuqaal ahaan caadi ah oo haddana leh soo jiidasho weyn.

Maxaa u dhexeeya?

Kalsooni.

Ninka isku kalsoon ma aha kan dadka oo dhan ka sarreeya.

Waa kan aan isku dayin inuu qof walba ka yaabsado.

Wuxuu ogyahay qiimihiisa, laakiin sidoo kale wuu ogyahay in gabadhu xor u tahay inay xiisaynayso ama aanay xiisaynayn.

Ha ku bilaabin shukaansiga adigoo maskaxda ku haya in gabadhu tahay imtixaan aad khasab ku tahay inaad ku guulaysato.

U arag fursad aad qof cusub ku baranayso.

3. Muuqaalkaaga Hagaaji Intaadan Hadalka Bilaabin

Walaal, ka hor intaadan oran boqoraddayda, iska hubi in shaarkaagu nadiif yahay! πŸ˜‚

Muuqaal wanaagsan macnaheedu ma aha in la xirto dhar qaali ah.

Waxa muhiimka ahi waa nadaafada, dhar kugu habboon iyo inaad naftaada daryeesho.

Timahaaga hagaaji, barafuunka si dheellitiran u isticmaal, afkaagana nadiifi.

Barafuun aad u badan ha ka dhigin in gabadhu ku garato adigoo weli laba waddo u jira!

Muuqaalkaaga iyo hab-dhaqankaagu waxay qayb ka noqon karaan aragtida ugu horreysa ee ay kaa qaadato.

4. Indhahaaga Ha Ka Dhigin Kuwo Cabsida Sheega

Marka aad gabadha la hadlayso, indhaheeda si dabiici ah u fiiri.

Ha fiirin hoos ilbiriqsi kasta, laakiin sidoo kale ha ku dhaygagin sida in aad sir qarsoon ka raadinayso.

Dhoolla-caddayn yar iyo indho-eegis deggan ayaa ku filan.

Haddii ay kuu dhoolla-caddayso, waxaa laga yaabaa inay ku faraxsan tahay la qabsiga.

Laakiin dhoolla-caddayntu kaligeed ma caddaynayso in ay ku xiisaynayso oo ay kaa heshay.

Wada hadalkeeda ayaa wax badan kuu sheegi doona.

5. Hadalka Ugu Horreeya Ha Noqdo Mid Dabiici ah

Ragga qaar waxay saacado badan raadiyaan erayga ugu mucjisada badan ee gabdhaha lagu soo jiito.

Laakiin mararka qaar salaan fudud ayaa ka wanaagsan hadal aad u diyaarsan.

Waxaad oran kartaa:

Asc, waan ku salaamay. Magacaygu waa Axmed. Haddii aanan ku mashquulinayn, ma is baran karnaa?

Ama:

Waan ku salaamay walaal, waxaan arkay inaad buug xiiso leh akhrinayso. Ma ku weydiin karaa magaca buugga?

Ama haddii aad xaflad wada joogtaan:

Waan ku salaamay walaal, waa kuwee teamka xafladdan qabanqaabiyay?

Hadalka ugu fiican wuxuu ku xiran yahay meesha aad joogtaan iyo xaaladda lagu sugan yahay.

Ha u isticmaalin jumlad kasta sida sixir aad gabadha khasab kugu soo jiidanayso.

6. Kaftanka Macaan Isticmaal πŸ˜‚

Kaftanku wuxuu wada hadalka ka dhigi karaa mid fudud oo xiiso leh.

Laakiin kaftanka wanaagsan ma aha cay ama inaad gabadha ku qososhid.

Bal qiyaas inaad maqaaxi joogtaan oo aad kaffeey dalbataan.

Waxaad oran kartaa:

Waxaan isku dayayay inaan maanta qof deggan iska dhigo, laakiin kaffeeygan ayaa iga dhigaya sida nin shir degdeg ah ku jira oo kale. πŸ˜‚

Haddii aanay ka helin, ha ku qasbin kaftan kale.

7. Ha Iska Dhigin Nin Aanad Ahayn

Waxaad aragtaa gabar qurux badan, kadibna waxaad bilowdaa inaad sheegato baabuur aanad lahayn, ganacsi aanad furin iyo safarro aanad gelin.

Walaal, haddii aad tiraahdo waxaan leeyahay shan shirkadood, berrina ay ku weydiiso magacyadooda, maxaad samaynaysaa? πŸ˜‚

Been yar oo lagu bilaabo shukaansiga waxay mustaqbalka dhaawici kartaa kalsoonida.

Ka hadal shaqadaada, riyooyinkaaga iyo waxyaabaha aad xiisaynayso si daacad ah.

Qofka ku jecel wuxuu u baahan yahay inuu barto adiga dhabta ah.

8. Quruxdeeda Ammaan, Laakiin Si Xarrago Leh 🌹

Gabar qurux badan waxaa laga yaabaa inay leedahay indho soo jiidasho leh, timo qurux badan, dhoolla-caddayn macaan ama qaab-jir aad adigu ka hesho sida jir macaan oo kale.

Waa caadi inaad quruxdeeda dareento.

Laakiin marka aad hadda is baranaysaan, ammaanta ku saabsan jirkeeda, gaar ahaan qaybaha gaarka ah, waxay u ekaan kartaa mid aad u degdeg badan.

Waxaa ka habboon inaad tiraahdo:

Dhoolla-caddayntaadu weey qurux badan tahay.

Ama:

Labiskaagu maanta aad buu kuu qurxiyay.

Ama:

Labiskaaga aad ayaad ugu nuureysaa.

Marka aad si fiican isu barataan oo xiisaha labada dhinac cad yahay, waxaad si dabiici ah uga wada hadli kartaan waxyaabaha aad midba midka kale ka heshaan.

Ninka xarragada leh wuu ammaanaa quruxda, laakiin gabadha uma soo koobo jirkeeda.

9. Baro Luqadda Jirka

Mararka qaar waxa qofku sameeyo ayaa kaaga warrami kara sida uu wada hadalka u dareemayo.

Haddii gabadhu kuu soo jeesato, su’aalo ku weydiiso oo wada hadalka sii waddo, waxaa laga yaabaa inay ku raaxaysanayso sheekada.

Haddii ay jawaabo aad u gaaban bixiso, dib u gurato ama si joogto ah u eegto meel kale, waxaa habboon inaad si xushmad leh wada hadalka u soo afjarto.

Laakiin calaamadahan ma aha xeerar aan khaldami karin.

Qof ayaa xishoon kara, daalnaan kara ama mashquulsanaan kara.

Haddii aadan hubin, si fudud u weydii.

10. Su’aalo Xiiso Leh Weydii

Ha ka dhigin wada hadalka wareysi, sida in aad interview ka qaadeyso si aad shaqo u siiso.

Magacaa? Xaggee joogtaa? Immisa jir baad tahay? Maxaad qabataa? Goorma ayaad guursanaysaa?

Walaal, gabadhu shaqo ma codsanayso! πŸ˜‚

Isku day su’aalo la qabsigeeda fududeen karaa.

Haddii aad heli lahayd fasax toddobaad ah, meel noocee ah ayaad jeclaan lahayd inaad tagto?

Maalintaada maxaa farxad geliye?

Filim ama buug noocee ah ayaad jeceshahay?

Maxaad ugu jeceshahay magaalada aad ku nooshahay?

Markay jawaabto, si dhab ah u dhegayso.

11. Ha Ka Hadlin Naftaada Keliya

Ninka qaar marka uu gabadh la kulmo wuxuu bilaabaa inuu ka sheekeeyo noloshiisa oo dhan.

Shaqadiisa, gaarigiisa, jimicsigiisa, qorshihiisa iyo xitaa inta uu sariirta ka kaco.

Gabadhu waxay u arki kartaa inay dhegaysanayso barnaamij idaacad ah oo aan nasasho lahayn.

Ka sheekee naftaada, laakiin iyadana fursad sii.

Wada hadalka xiisaha leh waa mid ay labada qof ka qayb qaataan.

12. Murqahaaga Ha Ka Dhigin Mawduuca Keliya πŸ’ͺ

Haddii aad jimicsi samayso oo aad leedahay jir xooggan, waa wax aad ku farxi karto.

Waxaa laga yaabaa in gabdhaha qaarkood ay soo jiitaan ragga murqaha leh, halka kuwo kalena ay doorbidaan muuqaal kale.

Laakiin haddii wada hadalkaagu ku koobnaado six-pack, borotiin iyo inta kiilo ee aad qaaddo, xiisuhu wuu yaraankaraa.

Gabadhu waxay rabtaa inay barato qofka aad tahay, ma aha oo keliya jadwalka jimicsigaaga.

Haddii ay ku weydiiso jimicsigaaga, si farxad leh uga hadal.

Laakiin ha ka dhigin bandhig murqo oo aan dhammaanayn. πŸ˜‚

13. Ha Ku Degdegin Erayada Jacaylka

Waxa aad gabadha baratay shan daqiiqo ka hor.

Haddana waxaad ku leedahay:

Adiga ayaa ah hooyada carruurtayda mustaqbalka.

Saaxib, marka hore magaceeda si sax ah u baro! πŸ˜‚

Jacaylku wuxuu u baahan yahay waqti.

Bilowga, isku day inaad barato qofnimadeeda, waxa ay xiisaynayso iyo haddii aad is fahmaysaan.

Hadalka macaan wuxuu qurux badan yahay marka uu ku habboon yahay heerka xiriirka.

14. Ha Noqon Nin Farriimo Aan Dhammaanayn Dira πŸ“±

Waxaad u dirtay farriin.

Shan daqiiqo jawaab ma iman.

Waxaad dirtay mid kale.

Toban daqiiqo kadib waxaad qortay: Ma xanaaqday?

Kadib: Maxaad iiga aamustay?

Ugu dambayn: Waan ogaa inaad iga tagayso!

Walaal, gabadhu waxaa laga yaabaa inay kaliya casho karinayso. πŸ˜‚

Ha u qaadan in jawaab dib u dhacday ay ka dhigan tahay diidmo ama khiyaano.

Qof kasta wuxuu leeyahay shaqo, qoys iyo waqti u gaar ah.

Hal farriin oo wanaagsan dir, kadibna sii fursad ay ku jawaabto.

15. WhatsApp-ka Ku Bilow Sheeko Macaan

Marka aad lambarkeeda heshid iyadoo raalli ka ah, ha ku bilaabin farriimo aad u culus.

Waxaad oran kartaa:

Asc, waa Axmed, kii aad maanta maqaaxida ku kulanteen. Farxad beey ii ahayd in aan meel wada farriisano. Sidee ahayd maalintaadu?

Ama:

Waan ku salaamay walaal, waxaan xusuustay sheekadeennii maanta. Weli waxaan ku qoslayaa kaftankii markii aan kaffeeyga wada cabeeynay. πŸ˜‚

Ama:

Subax wanaagsan. Waxaan kuu rajaynayaa maalin qurux badan. 🌹

Farriimaha ugu fiican waa kuwa ku habboon sheekadii aad hore u wadaagteen.

16. Ha U Arkin Diidmada Guuldarro

Waxaa dhici karta inaad si xushmad leh gabar aad ula hadasho, laakiin aanay ku xiiseyneynin ama aysan kaa helin.

Taasi waa caadi.

Waxaa laga yaabaa inay xiriir leedahay, aanay hadda shukaansi rabin ama aanay dareemin iswaafajin.

Haddii ay tiraahdo maya, waxaad ku jawaabi kartaa:

Waan fahmay. Mahadsanid, maalin wanaagsan.

Kadibna si deggan uga tag.

Ha isku dayin inaad ku qanciso cadaadis, daba-gal ama farriimo soo noqnoqda.

Ninka kalsoonida leh wuxuu aqbalaa diidmada isaga oo aan sharaftiisa lumin.

17. Ha Isku Dayin Inaad Masayr Ku Soo Jiidato

Ragga qaar waxay u haystaan in gabadha lagu soo jiidan karo adigoo ula kac ula hadlaya gabdho kale si ay u masayrto.

Laakiin ciyaaraha noocaas ahi waxay abuuri karaan kalsooni-darro.

Haddii aad gabadha xiisaynayso, u muuji xiisahaaga si cad oo xushmad leh.

Ha ka dhigin shukaansiga tartan qof lagu dhaawacayo.

18. Baro Goorta Aad Kulanka Soo Jeedinayso

Haddii aad muddo wada sheekaysateen oo aad dareento in xiisuhu labada dhinac yahay, waxaad u soo jeedin kartaa kulan kale.

Waxaad dhihi kartaa:

Waan ku farxay sheekadeenna. Haddii aad rabto, maalin ma wada cabbi karnaa kaffeey?

Ama:

Waxaan jeclaan lahaa inaan si fiican kuu barto. Ma xiisaynaysaa inaan toddobaadkan magaalada ku kulano?

Soo jeedintu ha noqoto mid fudud oo aan cadaadis lahayn.

Haddii ay oggolaato, isla qorsheeya waqti iyo meel labadiinaba ku habboon.

19. Baro Farqiga u Dhexeeya Qurux iyo Iswaafajin

Waxaa laga yaabaa inaad aragto gabar aad u qurux badan.

Indhaheeda, timaha, socodkeeda iyo qaabka jirkeeda ayaa ku soo jiidan kara.

Laakiin marka aad la hadasho, waxaad ogaan kartaa in fikradihiinna iyo qorshayaashiinnu aad u kala duwan yihiin.

Sidoo kale, waxaa dhici karta inaad barato gabar aan marka hore si weyn dareenkaaga u soo jiidan, balse aad markii dambe ka hesho kaftankeeda, naxariisteeda iyo garaadkeeda.

Soo jiidashada muuqaalka ahi waa qayb ka mid ah shukaansiga.

Laakiin xiriir waara wuxuu sidoo kale u baahan yahay isfaham iyo qiyam la wadaago.

20. Ha Ku Degdegin U Dhawaanshaha Jirkeeda

Marka laba qof ay is xiiseeynayaan, waxaa dhici karta inay dareemaan soo jiidasho jireed.

Taasi waa qayb dabiici ah oo ka mid noqon karta xiriirka dadka waaweyn.

Laakiin ha u qaadan in dhoolla-caddayn, kaftan ama kulan ay ka dhigan yihiin oggolaansho taabasho ama isku dhawaansho.

Qofka kale raalli ahaanshihiisa waa muhiim.

Haddii aad rabto inaad gacanta qabato ama aad isku soo dhowaataan, hubi inay iyaduna ku qanacsan tahay.

Shukaansiga wanaagsan wuxuu qofka kale siinayaa xorriyad uu ku doorto.

21. Noqo Nin Lagu Xusuusto Dabeecaddiisa, Ma Aha Buuqiisa πŸ”₯

Ninka soo jiidashada leh uma baahna inuu qof walba tuso inuu yahay Alpha Man.

Ma aha inuu gabdhaha ka amar qaato, laakiin sidoo kale ma aha inuu iyaga amar ku bixiyo.

Wuxuu leeyahay kalsooni, kaftan, nadaafad, himilo iyo awood uu ku aqbalo jawaabta qofka kale.

Wuxuu garanayaa goorta uu hadlo iyo goorta uu dhegaysto.

Wuxuu awoodaa inuu gabadha quruxda badan salaamo isaga oo aan argagixin.

Wuxuu sidoo kale awoodaa inuu si sharaf leh uga tago haddii aanay xiisaynayn.

Ninka dhabta ah ee kalsoonida leh ma raadiyo inuu gabadh kasta qasbo; wuxuu raadiyaa qof ay labadoodu si dhab ah isu xiisaynayaan.

Erayo Shukaansi oo Macaan oo Gabar Loo Diro ❀️

Erayadan waxay ku habboon yihiin marka aad gabar is barateen oo ay wada sheekaysigiinnu noqdeen kuwo saaxiibtinimo iyo xiise leh.

Markaan kula sheekaysto, waxaan dareemaa in waqtigu si ka dhaqso badan sidii caadiga ahayd u socdo.

Dhoolla-caddayntaadu waxay leedahay awood ay maalinta qofka ku qurxiso.

Waxaan jeclahay sida aad u fikirto. Sheekadaadu mar walba wax cusub ayay igu soo kordhisaa.

Ma aqaan sida ay ku dhacday, laakiin sheekadeenna ayaan maanta dhowr jeer xusuustay. ❀️

Waxaad leedahay qurux iyo dabeecad si gaar ah ii soo jiitay.

Waxaan ku farxaa marka aan arko farriintaada.

Haddii aan kuu sheego inaad qurux badan tahay, waxaan rajaynayaa inaadan u qaadan inaan kaftamayo. 🌹

Waxaan jeclahay sida aad u qososhid. Qosolkaagu wuxuu sheekadeena ka dhigaa mid xiiso leh.

Waxaan rajaynayaa inaan mar kale kula sheekaysto, sababtoo ah kulankeennii hore aad baan uga helay.

Waxaan jeclaan lahaa inaan si fiican kuu barto, haddii adiguna dooneyso.

Sida Gabar Qurux Badan Loola Hadlo: Tusaale Dhab u Eg

Bal qiyaas inaad ku jirto xaflad ay saaxiibbadaa qabanqaabiyeen.

Waxaad aragtaa gabar qurux badan oo la sheekaysanaysa dad kale.

Ma aha inaad isla markiiba dhex gasho sheekadooda.

Sug fursad ku habboon.

Marka ay keligeed joogto oo aanay mashquulsanayn, waxaad ku bilaabi kartaa salaan.

Adiga: Asc, waan ku salaamay. Magacaygu waa Cabdiraxmaan.

Gabadha: Wcs, anigana waa Sahra.

Adiga: Aad baan ugu faraxsanahay inaan ku barto, Sahra. Xafladda sidee kuula tahay?

Sahra: Way fiican tahay, laakiin codka muusigga ayaa xoogaa dheer.

Adiga: Anigana sidaas oo kale. Waxaan moodayay inaan xaflad imid, laakiin dhegahaygu waxay u malaynayaan inaan garoon diyaaradeed joogo. πŸ˜‚

Sahra: Hahaha, waa run.

Adiga: Ma dadka xafladda qabanqaabiyay ayaad taqaannaa?

Sahra: Haa, gabadha xafladda leh waa saaxiibtay.

Wada hadalku sidaas ayuu ku sii socon karaa.

Haddii Sahra ay xiisaynayso sheekada, labadiinnu waad sii wadaagi kartaan.

Haddii ay doonayso inay saaxiibbadeed ku noqoto, u oggolow si xushmad leh.

Ujeeddadu ma aha inaad xafladda ka baxdo adigoo khasab lambarkeeda haysta.

Ujeeddadu waa inaad heshaan wada hadal wanaagsan oo labadiinuba raalli ka tihiin.

Qiso Shukaansi: Axmed iyo Gabadhii Qosolka Badnayd πŸ˜‚β€οΈ

Qisadan waa sheeko mala-awaal ah oo loogu talagalay madadaalo iyo casharro ku saabsan shukaansiga.

Axmed wuxuu ahaa wiil dhallinyaro ah oo shaqeeya, jecelna jimicsiga iyo ciyaaraha.

Wuxuu lahaa saaxiib la oran jiray Mahad.

Mahad wuxuu mar walba Axmed ku oran jiray:

Walaal, haddii aad gabadh qurux badan aragto, kalsooni muuji!

Axmed wuxuu ugu jawaabi jiray:

Kalsoonida waan hayaa, laakiin markaan gabadh qurux badan arko, mararka qaar waxay iga tagtaa iyadoo fasax aan ii sheegin qaadatay. πŸ˜‚

Maalin Sabti ah ayay labadoodu tageen maqaaxi.

Axmed wuxuu arkay gabar qurux badan oo meel u dhow fadhida.

Waxay lahayd indho soo jiidasho leh, labis aad u qurux badan iyo dhoolla-caddayn cajiib ah.

Waxay xiratay dhar xarrago leh oo ku habboon muuqaalkeeda.

Axmed wuxuu saaxiibkiis ku yiri:

Mahadow, gabadhaas ma aragtaa?

Mahad ayaa ku jawaabay:

Waan arkaa. Maxaa dhacay?

Axmed wuxuu yiri:

Waxaan dareemayaa inaan hadda bilaabay inaan fahmo sababta gabayada jacaylka loo tiriyo.

Mahad ayaa qoslay.

Wuxuu ku yiri:

Horta magacaaga ha illoobin marka aad salaamayso!

Axmed wuu qoslay, laakiin wuxuu go’aansaday inuu si deggan u dhaqmo.

Markii uu arkay gabadha oo Laate Makiyaato dalbanaysa, wuxuu sugay ilaa ay dalabkeeda dhammaysato.

Kadib wuxuu si xushmad leh ugu yiri:

Asc, waan ku salaamay. Waxaan ahay Axmed. Haddii aanan ku mashquulinayn, ma ku weydiin karaa magacaaga?

Gabadhii way dhoolla-caddaysay.

Waxay tiri:

Wcs. Waxaan ahay Hani.

Axmed wuxuu yiri:

Aad baan ugu faraxsanahay inaan ku barto, Hani.

Waxay bilaabeen sheeko gaaban.

Axmed wuxuu ogaaday inay Hani jeceshahay buugaagta iyo safarrada.

Hani waxay ogaatay inuu Axmed jecel yahay jimicsiga iyo cunto karinta, inkastoo uu qirtay in mararka qaar cuntadiisu u baahan tahay gargaar degdeg ah.

Hani ayaa qososhay.

Waxay weydiisay:

Cuntada aad kariso tee ugu fiican ee aad ku wanaagsan tahay?

Axmed wuxuu ku jawaabay:

Shaah. Halkaas ayaan ku ahay khabiir caalami ah. Cuntooyinka kale weli tababar ayay ku jiraan. πŸ˜‚

Hani aad bay u qososhay.

Waxay sii wada sheekaysteen muddo kooban.

Markii Hani sheegtay inay saaxiibadeed ku noqonayso, Axmed wuxuu ku yiri:

Waan ku farxay inaan kula sheekaysto. Haddii aad jeceshahay, mar kale ma wada cabbi karnaa kaffeey?

Hani waxay tiri:

Haa, waa fikrad fiican.

Waxay si raalli ahaansho leh isu dhaafsadeen lambarrada.

Axmed wuxuu ku noqday kursigii Mahad.

Mahad ayaa weydiiyay:

Maxaa dhacay?

Axmed wuxuu yiri:

Walaal, maanta waxaan ogaaday in kalsoonidu aysan ahayn inaad hadal badan taqaan, balse ay tahay inaad naftaada ahaato.

Mahad wuxuu ku jawaabay:

Waa hagaag, laakiin kaffeeyga yaa bixinaya?

Axmed wuxuu yiri:

Adiga, waayo waxaad tahay tababarahaygii shukaansiga! πŸ˜‚

Casharka Qisada

Axmed ma isticmaalin hadallo been ah, mana isku dayin inuu Hani ka yaabsado.

Wuxuu muujiyay kalsooni, kaftan iyo ixtiraam.

Waxa ugu muhiimsan wuxuu ahaa in labadoodu ay wada hadalka ka heleen.

Shukaansiga wanaagsan waa isbarasho, ma aha tartan lagu qasbayo qofka kale inuu ku jeclaado.

Khaladaadka Ragga Qaarkood Ka Galaan Shukaansiga

Inaad Gabadh Kasta Isku Hab Ula Hadasho

Gabdhuhu ma aha dad isku dabeecad ah.

Qaar waxay jecel yihiin kaftanka, qaarna sheeko deggan.

Baro qofka aad la hadlayso.

Inaad Aad U Ammaanto Muuqaalkeeda

Ammaanta wanaagsan weey qurux badan tahay, laakiin haddii hadalkaagu ku koobnaado indhaheeda, jirkeeda iyo quruxdeeda, waxay dareemi kartaa inaadan qofnimadeeda xiisaynayn.

Inaad Isku Daydo Inaad Qani Iska Dhigto

Lacag iyo hadiyado qaali ahi ma beddeli karaan daacadnimada.

Inaad Ka Baqdo Diidmada

Diidmada xushmadda leh waa qayb caadi ah oo isbarashada ka mid ah.

Inaad Ku Degdegto Xiriir

Ha ku dhawaaqin erayo jaceyl ah ka hor intaadan qofka si fiican u baran.

Inaad Kaftanka Ku Badiso

Kaftan kasta ma aha mid ku habboon xaalad kasta.

Haddii gabadhu aanay ku raaxaysanayn, beddel mawduuca ama wada hadalka soo afjar.

Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo – FAQ

Sidee Loo Shukaansado Gabdhaha?

Ku bilow kalsooni, salaan xushmad leh iyo wada hadal dabiici ah. Dhegayso gabadha, muuji xiise dhab ah, kana fogow cadaadis.

Sidee Gabar Qurux Badan Loola Hadlaa?

Si deggan u salaan, is bar, kadibna ka hadal wax ku habboon meesha aad joogtaan. Quruxdeedu ha kaa dhigin inaad qofnimadeeda illowdo.

Maxaa Gabdhaha Soo Jiita?

Doorbidku wuu kala duwan yahay. Gabdhaha qaarkood waxay qiimeeyaan kaftanka, kalsoonida, nadaafadda, dabeecadda wanaagsan ama himilada qofka.

Sidee Gabar Looga Qosliyaa?

Isticmaal kaftan dabiici ah oo ku saabsan xaaladda aad wada joogtaan. Ka fogow cay, bahdil iyo kaftan dhaawacaya.

Sidee WhatsApp Gabar Loogu Shukaansadaa?

Ku bilow salaan iyo sheeko ku saabsan wax aad u wadaagtaan. Ha u dirin farriimo badan haddii aanay jawaab bixin.

Sidee Lagu Ogaadaa In Gabar Ku Xiisaynayso?

Waxaa laga yaabaa inay wada hadalka sii waddo, su’aalo ku weydiiso ama kulan kale oggolaato. Laakiin habka ugu wanaagsan waa inaad si xushmad leh u ogaato waxa ay rabto.

Gabadha Quruxdeeda Ma La Ammaani Karaa?

Haa, haddii ammaantu tahay mid xushmad leh oo ku habboon heerka isbarashada. Bilowga waxaa ka habboon inaad ammaanto dhoolla-caddaynteeda ama xarragadeeda halkii aad ka faalloon lahayd qaybaha gaarka ah ee jirkeeda.

Sidee Nin Isku Kalsoon U Noqdaa?

Daryeel naftaada, waxbarashadaada siyaadi, horumari xirfadaha wada hadalka, baro inaad aqbasho diidmada, kana fogow inaad qiimahaaga ku xidho jawaabta hal qof.

Haddii Gabar Ku Diiddo Maxaad Samaynaysaa?

Aqbal jawaabteeda, u mahadnaq, kadibna si xushmad leh uga tag. Ha ku cadaadin inay beddesho go’aankeeda.

Alpha Man Ma Soo Jiitaa Gabdhaha?

Ereyga Alpha Man dadku siyaabo kala duwan ayay u fahmaan. Kalsooni, degganaan, daacadnimo iyo ixtiraam ayaa ka faa’iido badan isku dayga inaad qof kale ka sarreyso ama aad xakamayso.

Gunaanad: Sida Loo Shukaansado Gabdhaha Adigoo Kalsooni Leh πŸ”₯❀️

Bal dib ugu noqo gabadhii quruxda badnayd ee aad maqaaxida ku aragtay.

Indhaheeda ayaa ku soo jiitay.

Dhoolla-caddaynteeda ayaa qalbigaaga taabatay.

Waxaa laga yaabaa in qaabka jirkeeda, xarragadeeda iyo socodkeeduba ay dareenkaaga taabteen.

Taasi waa bilowga soo jiidashada.

Laakiin waxa xiga ayaa ka muhiimsan.

Ma awooddaa inaad si deggan u salaanto?

Ma taqaannaa sida loo dhegaysto?

Ma samayn kartaa kaftan macaan adigoon qofka dhaawicin?

Ma aqbali kartaa haddii aanay ku xiisaynayn?

Haddii aad arrimahaas barato, waxaad qaaday tallaabo wanaagsan oo ku saabsan sida loo shukaansado gabdhaha.

Ha isku dayin inaad noqoto nin ay gabar kasta ay jeceshahay.

Noqo nin naftiisa yaqaan, dadka ixtiraama, isla markaana ku dhiirrada inuu si daacad ah u muujiyo xiisihiisa.

Quruxdu waxay bilaabi kartaa sheeko macaan.

Kaftanku wuxuu dhalin karaa qosol.

Laakiin dabeecadda wanaagsan, isfahamka iyo xiisaha labada dhinac ayaa sheekada u beddeli kara xiriir qurux badan.

Ninka soo jiidashada leh ma aha kan gabadh kasta soo jiito, waa kan garanaya sida loola hadlo, isaga oo aan lumin qalbigiisa iyo sharaftiisa. ❀️🌹

Sidee Shukaansiga u bilaawdaa?

Weligaa ma aragtay gabar qurux badan oo aad rabtay inaad salaanto, laakiin hadalkii kaa dhammaaday?

Mise waxaad taqaanaa sheeko shukaansi ah oo qosol badan?

Fikradahaaga iyo su’aalahaaga guud ee jacaylka waxaad u soo diri kartaa ilatali@cishqi.com.

Ku soo biir bulshada CISHQI si aad uga hesho sheekooyin jacayl, erayo romantic ah iyo talooyin xiiso leh oo ku saabsan shukaansiga iyo xiriirka.

CISHQI β€” Halka qalbiyadu isku fahmaan. ❀️🌹

❀️ 🌹

Ku Soo Biir CISHQI Community

Noqo qayb ka mid ah bulshada CISHQI, halkaas oo aad ka helayso qoraallo xiiso leh, buugaag cajiib ah, xikmado qalbiga taabanaya, talooyin waxtar leh iyo aqoon noloshaada wax ku soo kordhinaysa.

❀️ Hadda Ku Biir CISHQI
CISHQI β€” Halka qalbiyadu isku fahmaan. 🌹

Leave a comment